Newsomali

Gen Gaafoow oo Maanta Qaddar Hakad Geliyay Diyaarad ku Socotay
Taliyaha Laanta socotada iyo Jinsiyadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Gaafoow ayaa manta qaddar hakiyay Diyaaradda African Airways oo ku socotay Magaalada Bar Bara ee maamulka Soomaali land.

Safarkii diyaaradaas raaci oo tiradooda lagu qiyaasey illaa Kontameeyo ayaa loo diiday in diyaaradaas ay ku safraan xilli ay wateen tikido iyo Baasa boorkii Cagaarnaa ee dawladdii hore.

Taliyaha oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali doonin inay hoos tagaan maamulka la magic baxay isla markaana aysan yeeli doonin in Somali land ay diido Baasaboorka Soomaaliga ee rasmiga sidaas darteedna aan baasaboorkaas looga dhoofi Karin Garoonka Diyaaradaha Muqdisha waa siduu hadalka u dhigaye.

Gen Gaafoow ayaa si barer ah Maamulka Somali land farriin ugu diray isagoona u sheegay in ay dhaqan geliyaan baasaboorka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaasoo uu sheegay in caalamku aqoonsan yahay.

In kastoo Taliyaha Laanta Socotada iyo Jinsiyadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya qaddar Rakaabkii Diyaaraddaa raaci lahaa uu Garoonka ku hayay haddana goor dambe ayuu fasaxay in Diyaaraddu ay qaaddo Rakabkaas oo muddo halkaa ku xayirnaa.

Arrintan ayaa waxa ay imaanaysaa xilli muddooyinkii dambe uu jiray xafiiltan dhinaca Soomaali Lanad ay ka biya diidaneed Go’aankii qaramada Midoobay ay Hawada Soomaaliya maamulkeeda ka ku wareejisay Dawladda Federaalka Soomaaliya taasoo maamulka Somali landna uu ku gacan seeyray.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo loo sheegay in xilalkooda waayi doonaan
Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu goodiyay mudanayaasha baarlamaanka ee ka maqan fadhiyada inay xilkooda weyn doonaan, hadii aanay soo xaadirin.Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in aanay marnaba ogolaan doonin in Xildhibaanada iska maqnaadaan, iyagoo aan wax fasax ah ka heysan Gudoonka.

“Waxa badanaaba dhacda in xildhibaanada iska maqnaadaan, maalin hore gudoomiyaha ka hadlay, hadana waa ku celineynaa, xildhibaanada maqan hadii aanay ka soo qeyb gelin booskooda ayay weyn doonaan”ayuu yiri Jeylaani Nuur Iikar.

Sidoo kale gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka ayaa sheegay inay jiraan xildhibaano Muqdisho ku sugan balse aanay ka soo qeyb gelin fadhiyada, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in aanay mudanayaasha dalka ku sugan xilkooda gudan.

“Maalmahan fadhiyada baarlamaanka waxaa imaanaya 150 xildhibaan, xildhibaano jooga oo aan imaaneyn waa jiraan, taas looma baahna”ayuu yiri Jeylaani Nuur Iikar.

Kala bar Mudanayaasha baarlamaanka ayaa la sheega inay dalka ka maqan yihiin, halka qaarkoodna aanay xaadirin fadhiyada, waxaana mararka qaar adkaata kooramka uu ku furmo kulamada baarlamaanka

Barre Hiraale oo soo bandhigay awoodiisa Ciidamo iyo Hub, Kooxda Raaskanbooni oo Xaalada ku xun, Warbixin ku saabsan Hubka Barre haysta
Hadal heeynta ugu badan Shacabka magaalada Kismaayo ayaa noqotay mid ka mid ah Madaxwaynayaasha Maamul-goboleedka Jubbaland State oo xarumihiisa lagu arkay Madaaficda goobta ee inta badan ay ku dagaalamaan kooxaha Soomaalida.

Lama Oga halka ay ka soo galeen magaalada Kismaayo Madaafiicdaan halista ah balse dad badan ayaa qabo in Madaafiicdaan ay yihiin kuwo xili hore ay dhulka hoostiisa ama bakhaaro ku qarsadeen Taageerayaasha Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) kuwaas oo hada boorka ka jafay weliba dib iskugu rakibay.

2-gaari oo Madaafiicda Bm-ka xambaarsan oo kiiba uu ka kooban yahay 21-Dhuumood & 4-Hoobiye iyo 3 Madaafiicda loo yaqaan Arti 5-ka laguna jiido gawaarida waa weeyn ee dagaalka ayaa waxaa lagu arkay xarunta Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), waxaana Madaafiicdaan dhamaantood tijaabo iyo dhoola tus milatari ka dib dusha laga saaray shiraac iyo teendhooyin.

Qaar ka mid ah Xaafadaha magaalada Kismaayo waxaa ku soo badanaya Tikniko taageersan Barre Hiraale kuwaas oo looga baqayo hadii uu dagaal dhaco inay dhabar jabiyaan xoogaga Madaxwaynaha Maamul-goboleedka Jubbaland State ahna Hogaamiyaha ururka Raaskanbooni Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe).

Dhanka kale waxaa sare u kacay ama qaali saaid ah noqday Rasaastii lagu kala iibsan jiray gudaha magaalada Kismaayo taas oo gaartay heerkii ugu sareeysay waxaana arintaan sabab looga dhigayaa saan saanta colaadeed ee ka jirta magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

DAAWO SAWIRADA Banaanbax lagu taageersan yahay Ra’iisal Wasaare Saacid oo Muqdisho ka dhacay
Bannaanbax looga soo horjeedo Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Soomaaliya laguna taageerayo dadaalada iyo waxqabdka xukuumadda R/wasaare Saacid ayaa maanta lagu qabtay Barxadda Sayid ee magaalada Muqdisho,Dibadbaxa ayaa waxaa ka qayb galay boqolaal ruux oo shacab ah kuwaas oo ku qaylinayey ereyo ay ku mucaaradsan yihiin Mooshinka la doonayo in kalsoonida loogala noqdo Xukuumadda.

Shacabka bannaanbaxa dhigayey ayaa muujiyey iney ka xukun yihiin Tallaabada ay qaadeen qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo u ololeynaya Mooshin la doonayo in lagu rido xukuumadda r/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

Shacabka dibadbaxa dhigayey ayaa ka codsaday mudanayaasha baarlamaanka ee ku hawlan Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda iney ka noqdaan arinkaas oo ay shacabku sheegeen ineysan dan ugu jirin bulshada Soomaaliyeed oo kasoo daashay khilaafaad iyo isqab-qabsi.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in Soomaaliya xiligan aysan u baahneen khilaaf laga dhex abuuro hay’adaha dowladda,waxayna sheegeen in xukuumadda r/wasaare Saacid ay dadaal badan ugu jirto soo celinta xasiloonida dalka isla markaane ay jirtay mudda kooban oo aysan suurta gal ahayn iney wax walba ku hagaajiso 7-dii bilood ee ay xilka haysay.

Dibadbaxa ay dhigeen shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka danbeeyey kadib markii ay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay u gudbiyeen gudoonka baarlamaanka Mooshin ay ku doonayaan in codka kalsoonida loogu qaado xukuumadda uu hogaamiyo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid

Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah(Daawo Muuqaal+Warbixin)
Soomaalida ka ganacsata daroogada ee dalka Canada ayaa waxaa la sheegay inay lacago faro badan ay ku raadinayaan filim fadeexad ah oo muujinaayo duqa magaalada Toront ee dalka Canada oo isticmaalaaya daroogada cocaine.

Soomaalida ka ganacsatada daroogada ee ku nool dalka Canada ayaa waxaa la sheegay inay wel wel iyo walaac ku abuureen duqa magaalada Toronta ee dalka Canada ka dib markii ay qaar ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn ee dalka Canada ay la soo xiriireen una soo bandhigeen video muujinaya ayna ku cadaynayaan duqa magaalada Toronto ninka lagu magacaabo Rob Ford oo ka mid ah ayaga oo la joogo ka dibna uu halkaas ku cabaayey xashiishka daroogada cocaine ah , Laba wariye oo ka tirsan wargeyska Toronto Star oo lagu kala magacaabo Kevin Donovan iyo Robyn Doolittle oo daawaday videogaas ayaa sheegay oo isku raacay in waxa ay arkeen uu ahaa duqa magaalada Toronto oo isticmaalaayey daroogadaas, Sidoo kale ayaa waxaa arintaas markii uu maqlay uga soo safray dalka Mareykanka madaxa website Gawker oo asagana markuu daawaday ka dib filimkaas cadeeyey inuu yahay duqa magaalada oo isticmaalaaya daroogadaas, Filimkaan oo ah mid lagu duubay telleefoonka gacanta ayey Soomaalida sameysay waxay ku doonayaan lacag gaareyso ilaa iyo $200,000 oo doolar, warbaahinta soo daawatey filimkaas ayaan iyagu iibsan laakiin websiteka Gawker oo ka mid ahaa dadkii soo daawaday ayaa aqristayaashiisa u soo bandhigay ina la iska uruuriyo lacagtaas si loo soo iibsado filimkaas islamarkaana ay u soo bandhigaan iyadoona ay islamarkiiba ay bilaatay lacag ururintaas oo ayan mareyso meel wanaagsan.

Ugu danbeyntiina iyadoo duqa magaalada Toronto oo laba sano iyo bar oo qura hayey xilkaas islamarkaana markii horeba lahaa cadowyo badan horeyna dhowr jeer loogu soo jeediyey eedeymo kale duwan ay arintaan dhabar jab weyn ku tahay ayuu asagu uu dafirey gebi ahaanba arintaas jiritaankeeda, Laakiin waxaa durbaba soo baxaayo waxyaabo badan oo cadyn u ah inuu ninkaas xiriir la lahaa Soomaalidaas iyo qolooyinka kale ee ku jira ka ganacsiga daroogada iyadoona sawir ay soo bandhigeen qolooyinkaas uu muuqdo ninkaas oo la taagan qaar ka mid daadka daroogada ka shaqeysta, Booliiska magaalada Toronta ayaan wax hadal ah ka bixin arintaan ayagoona sheegay inay wadaan baaritaan ku saabsan arintaas, Qaar badan oo ka mid ah dadk reer Canada iyo aduunka oo dhan ayaa ka war sugaaya waxa ka soo baxa filimkaas iyo cida iibsata oo u soo bandhigta aduunka iyo inay sheekadaas ay noqoto mid run ah iyo in kale.

Abdirizak M. (Xiireey)

Holland

Abdirizakxiireey@hotmail.com

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo qatar cusub ku ah midnimada Soomaaliya, Maxay tahay Ujeedada uu ka leeyahay inuu taageero diblomaasi u raadiyo Somaliland, Warbixin
Doowlada Ethiopia aya ku dhawaaqday ineet taageero dhinac walbo ah siineyso maamulka Somaliland, waxaana ay taageeradaas ku sheegtay ineey kamid yihiin Milatariga, Siyaasada iyo dhanka dhaqaalaha.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia (Hailemariam Desalegn ) oo kahor hadlayay baarlamaanka wadankaas, aya sheegay ineey adkeeynayaan isbahaysiga doowladiisa ay la leedahay maamulka Somaliland, dhinacyada difaaca iyo bad baadinta dhulkaas, waa sida uu hadalka u yiri.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Somaliland ay ka caawin doonaan kahor tagista qatarada kaga soo wajahan dagaalyahanada Al-shabaab.

Waxa uu yiri: “Ethiopia waxay diyaar u tahay taageero diblomaasi,mid ciidan, iyo mid dhaqaale ineey ku taageero maamulka Somaliland”.

Ra’iisul wasaaraha Ethioia ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Somaliland iyo Ethiopia ay goordhow kala saxiixan doonaan Istiraatiijiyad iskaashi labo dhinac ah, waxa uu tilmaamay in arintaasi doowlada Ethiopia ay ugu xil saartay gudi farsamo oo soo darsaya habka ugu haboon ee lagus ii wadi karo xiriirka Ethiopia iyo Somaliland.

Xubnaha baarlamanka wadankaas ayuu u muujiyay ( Desalegn ) in Ethiopia aysan dano gaar ah ka lahayn taageerada ay siineyso Somaliland, balse ujeedka uu yahay taageero ay doowladiisa isbahaysi kula noqoneyso maamulkaas.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa waxa uu shaaciyay in Ciidamada doowladiisa ay ka bar bar dagaalami doonaan kuwa Somaliland, ayna tababaro siin doonaan.

Waa doowladii ugu horeysay oo dhacda Bariga afrika ee taageero toos ah u fidisa maamulka Somaliland.

Maxaad ka taqaana 9 qof oo Soomaali ah oo dhawaan Xabsiyo kala duwan lagu xukumay dalka Mareykanka,Nolosha 7 ka mid ah Rag ah iyo 2 Dumar, Dhageyso
Hey’adaha amniga ah ee Maraykanka ayaa soo dhoweeyey xukunno toddobaadkii hore lagu riday sagaal qof oo Soomaali ah dacwado la xiriira ururka Al-Shabab. Sagaalka qof ayaa iskugu jira toddoba rag ah iyo laba dumar ah, waxaana lagu riday xukunno u dhexeeya 2 sano ilaa 20 sano.

Dhinaca kalena, ehelada dadka la xukumay iyo kuwa ay dhalinyaradoodu ka tageen Minnesota ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xukumadan.

Warbixintan oo uu diyaariyey Haaruun Macruuf halkan hoose ka dhageyso.

<object width="384" height="32" classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="src" value="http://www.voasomali.com/flash_6.12.0.30359.11/MediaPlayer.swfx?cache=" /><param name="flashvars" value="configFilePath=http%3a%2f%2fwww.voasomali.com%2fGetFlashXml.aspx%3fparam%3d285726%7cuser%7cAudio&brand=VOA" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><param name="wmode" value="opaque" /><embed width="384" height="32" type="application/x-shockwave-flash" src="http://www.voasomali.com/flash_6.12.0.30359.11/MediaPlayer.swfx?cache=" flashvars="configFilePath=http%3a%2f%2fwww.voasomali.com%2fGetFlashXml.aspx%3fparam%3d285726%7cuser%7cAudio&brand=VOA" allowfullscreen="true" wmode="opaque" /></object>

Su’aalo ku saabsan Soomaaliya, Somaliland iyo UK. Jawaabaha Wasiirka Afrika ee UK, Mark Simmonds
Wasiirka Afrika ee Xafiiska Arrimaha Dibadda ee dowladda Britain, Mark Simmonds, ayaa galabta si toosa uga jawaabay su’aalo u furnaa in qofkii doonaa weydiiyo. Wasiirka oo isla markaana ah mudane Baarlamaanka oo la soo doortay ayaa qiyaastii 45 waxaa uu toos uga jawaabayay su’aalaha lagu soo weydiiyo twitter. Su’aalaha la weydiiyay oo fara badnaa kama wada jawaabin. Jawaabihiisana midna kama badneyn 140 xaraf oo meelaha bannaan lagu tirinayo – taas oo ah mugga twitter uu qaadan karo halkii marba. Su’aalaha la weydiiyay iyo jawaabaha uu bixiyay intooda badan ayaan u soo tarjumay saaxiibbadeyda Soomaaliyeed ee aan Ingiriiska akhrin ama aan twitter isticmaalin amaba aan maanta la socon.

AFEEF: Tarjumadani aniga ayay igu kooban tahay. Ma ahan mid ay tasdiiqisay, dalbatay ama laga wargeliyay dowladda Britain.

SU’AAL:Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland si wanaagsan ayay hore ugu socdaan. Laakiin maxay ku dhacday in laga fekeri waayay in arrinta ku saabsan maamulka duullimaadyada iyo hawadu ay dhib keenayaan?

WASIIR UK:Arimaha ku saabsan [duullimaadka] hawadu waa arrimaha ay tahay dartood in ay u wadahadlaan Somalia iyo Somaliland.

Su’aal:Militerigii iyo booliiskii Soomaaliya waxay burbureen 21 sano ka hor. Ciidanka Muqdisho joogaa waa hal beel. Ma dhiirri gelineysaa ciidan midnimo Qaran?

Wasiir UK: Midnimo Qaran oo xagga qabaa’ilka iyo Gobollada ah ayaa muhiim u ahaaneysa Soomaaliya in ay nabadgelyo iyo horumar gaarto.

Su’aal:Maxaad u maleyneysaa in muhiimadda koowaad ee UK ay tahay si ay caawiso dowladda Soomaaliya?

WASIIR UK:Madaxweynaha [Soomaaliya] muhiimaddiisa koowaad waa ammaanka. Annaguna waan la qabnaa wixii ka dambeeyay [shirkii] Soomaaliya 2013.

SU’AAL:Kenya waxay wiiqeysaa dowladda Soomaaliya iyo dadaalka Britain ee ah in la xasiliyo Soomaaliya. Arrintaasi waxay u gogol xaareysaa Qabqablayaal dagaal. Waa maxay mowqifka UK ee Kismaayo?

WASIIR UK:Gobolku wuxuu xuddun u yahay ammaanka iyo xasilloonida Soomaalia. In xal laga gaaro UK waxay kala shaqeyneysaa dhammaan dhinacyada oo ay ka mid tahay Kenya.

SU’AAL:UK waxaa ku sugan Soomaali aad u badan. Dowladda Britain ma qaadday wax tallaabo ah oo ay kula xiriireyso?

WASIIR UK:Qurba joogta kaalin muhiim ah ayaa u bannaan in ay cayaaraan. Waxaan qaar ka mid ah kula kulmay [xaafadaha London ee] Ealing iyo Westminster iyo [magaalada] Cardiff. Waxay mustaqbalka biirin doonaan wax weyn.

SU’AAL:Maaddaama Nicholas Kay loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabbilsan Soomaaliya, kaalinta IGAD ma lagu wareejin karaa QM?

WASIIR UK:IGAD iyo QM waxay leeyihiin kaalimo kala duwan. Ka dib, dib-u-eegidda QM iyo magacaabidda Nick Kay ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, isuduwidda hawluhu waxay noqoneysaa lama huraan.

SU’AAL:G8 ma bixin doontaa miisaaniyadda loo[ga] baahan yahay [Soomaaliya], taas oo ka korreysa lacagta aan badnayn ee £200 milyan ah ee ay ku baaqeen, si loo xaqiijiyo dib u kabasho dhaqaale iyo xasillooni?

WASIIR UK:Waan kugu raacsan ahay muhiimadda dib u kabashada dhaqaalaha. F.G. Kulankii ganacsiga ee aan anigu marti geliyey 8 May – horumar dhaqaale waa furaha koboca mustaqbalka.

SU’AAL:Waa maxay istaraatiijiyada aad ka leedihiin in al Shabaab laga suuliyo Soomaaliya maaddaama ay kooxdaasi dhibaato hor leh ay sii horseedeyso?

WASIIR UK:Waan kugu raacsan ahay in al Shabaab ay wiiqeyso ammaanka. Laba sano ka hor waxay haysteen Muqdisho. Abaalka waxaa leh AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya.

SU’AAL:Dowladda UK qorshaha ma ugu jirtaa in ay cadaadis ku saarto maalgeliyayaasha caalamiga ahi in ay ka guuraan Nairobi oo ay degaan Hargeysa ama Muqdisho?

WASIIR UK:UK waxay dib u furtay Safaaraddeedii Muqdisho. Waa safaaraddii Yurub ee ugu horreysay 21 sano. Qaar kale in ay ku dhiirri geliso in ay ku daydaan ayaan rajeyneynaa.

SOO JEEDIN:Meynaan maqal UK oo cambaareyneysa dil toogasho ah oo boobsiis ah oo ka dhacay Puntland iyo gobollo kale oo Soomaaliya ah. UK waa in ay ku dhaqaaqdo in la joojiyo falalkaas.

WASIIR UK: UK wey ka soo horjeeddaa xukunka dilka meel kasta oo ay ahaato dunida. Dib eegidda garsoorku waxay ka mid tahay waxyaabaha uu Madaxweynuhu siinayo muhiimadda. Waxaan rajeyneynaa in uu arrinta [xukunka dilka] dib u eegi doono.

SU’AAL:Haweenka Soomaalidu waxay u baahan yihiin in la badbaadiyo [xuquuqdooda la sugo]. Dowladda Britain ma leedahay qorshe cad oo ay dowladda Soomaaliya la horfariisaneyso oo arrintan wax looga qabanayo?

WASIIR UK:Soomaaliya waxay ka mid tahay waddammada haweenka ugu daran. UK waxay horseed ka tahay falka lagula dagaallamayo faraxumeynta haweenka goobaha colaadda.

Aad baad ugu mahadsan tihiin su’aalihiinna. Waan ka xumahay in aanan kulligood idiinkaga wada jawaabin. Waxaan ka dhur sugayaa shirka soo socda ee Brussels.

Xigasho http://yusuf-garaad.blogspot.nl/

Daawo Xaflad lagu taageerayo Barre Hiiraale oo ka dhacday USA
Jaaliyadda Soomaalida Mareykanka ayaa si buuxda u taageeray doorashada jubbaland ka dhacday ee Madaxweynaha loogu doortay Barre Aadan Shire oo loo yaqaano Barre Hiraale, waxayna sheegeen inay taageersan yihiin hogaamiyaha cusub ee Maamulka Jubbaland.

Soomaalida USA ayaa ugu baaqay dadka diidan Barre Hiraale inay soo raacan madaxweynaha  cusub ee Jubbaland ee Barre Hiraale iyagoo sheegay inuu wax badan ka qaban doono.

Jose Mourinho lama eryin ee wuu iska tagay
Real Madrid ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay ku sheegtay in Jose Mourinho uu kooxda ka tagi doono dhamaadka xilli ciyaareedkaan kadib mudo 3 sano oo uu hogaaminayay kooxda caasimadda ka dhisan. Madaxweyne Florentino Perez ayaa go’aankaan ku dhawaaqay.

Mourinho, oo 50 sano jir ah, ayaa waxaa la hadal hayaa inuu dib ugu laaban doono Chelsea, kadib markii Real uu u qaaday hal horyaal iyo Copa del Rey.

“Go’aankaan waxaan ku gaarnay in aan xiriirkeena soo afjarno,” sidaasi waxaa yiri Perez. “Qof la eryay ma jiro, go’aankaan waa mid ay si wada jir ah u gaareen laba dhinac.”

Real waxey hadda 13 dhibcood ka hooseysaa Barcelona oo horyaalka qaaday.

Guulihii Mourinho

Champions League: 2004 wuxuu u qaaday (Porto), halka 2010 uu u qaaday (Inter Milan)

Uefa Cup: 2003 wuxuu u qaaday (Porto)

Premier League: 2005, 2006 wuxuu u qaaday (Chelsea)

FA Cup: 2007 wuxuu u qaaday (Chelsea)

League Cup: 2005, 2007 wuxuu la qaaday (Chelsea)

La Liga: 2012 wuxuu u qaaday (Real Madrid)

Copa del Rey: 2011 wuxuu u qaaday (Real Madrid)

Serie A: 2009, 2010 wuxuu u qaaday (Inter Milan)

Coppa Italia: 2010 ayuu u qaaday (Inter Milan)

Primeira Liga: 2003, 2004 wuxuu u qaaday (Porto)

Taca de Portugal: 2003 wuxuu kula guuleystay (Porto)

Mourinho 3dii sano ee ugu danbeysay waxaa lagu reebay semi-final-ka Champions League.