Newsomali » Qormooyinka

Maxaad ka taqaanaa shaqsiyaadka Qas-wadayaasha ah ee waday,Sawirada
Iyadoo todobaadyadii ugu dambeysay ay koox Xildhibaano ah wadeen mooshin ay doonayaan ay khal khalgeliyaan horumarka ay ku talaabsatay Xukuumada Raysal Wasaare Saacid ka gaartay dhanka siyaasada, arrimaha dibadda, cadaalada iyo garsoorka, fidinta siyaasada dawladda ee gobolada dalka iyo xoojinta midnimada Soomaaliyeed, ayaa waxaa la ogaaday in shaqsiyaadka ka dambeeyo fowdadaasi.

Marka la eego shaqsiyaadka hor boodaya mooshinkan dhicisoobay ayaa dhamaantood waxa ay yihiin xildhibaano lagu xusay dhamaan warbixinadii Q/midoobay, gaar ahaana UN Somalia Monitoring Group iyo urururo kale oo caalami ah sida International Crisis Group ICG taasoo ku tilmaantay inay yihiin Qas-wadayaal (Spoilers). Lana xanibi doono dhaq dhaqaaqooda iyo weliba hantidooda.

Kooxahan ayaa waxaa hor boodaya xubno horay uga tirsanaan jiray dawladdihii KMG ahaa, kuwaasi oo ku caanbaxay Musuq maamusuqa dhaqaale iyo mid siyaasadeed, hurinta colaadaha sokeeye iyo khal khalgelinta Nidaam kasta oo ka hirgala Soomaaliya.

Kooxahan ayaa dabagal la sameeyey waxaa lagu ogaaday inuu horboodayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo kal kaalisadiisa Fawsiya Maxamed Sheekh, kuwaas oo boorka isku qarinaya isla markaana ku beer laxawsanaya xildhibaanada beesha Dilgil iyo Mirifle xaqiina ayaa maqan, waana inaad kacdoon sameysaan.

Shariif Xasan oo dadka badankiis u yaqaanaan (Shariif Sakiin) ayaa ku caanbaxay Musuq maasuqa hantida shacabka, waxaana Q/midoobay ay ku eedeysay inuu lunsaday Malaayiin Dollarka Mareykanka ah oo gargaar ahaan loo siiyay dawladda Soomaaliyeed, intii uu hayay xilka Wasiirka Maaliyadda ee dawladdii Cumar C/rashiid, iyo intii uu ahaa Guddoomiyaha Baarlaamanka waana ruuxa kali ah ee magaciisu safka hore kaga yaalo warbixin kasta oo laga qoro musuqmaasuqa sidoo kalana waxaa lugu tilmaamaa inuu yahay Siyaasi aan waligiis laga maqal lagana dareemin dhibaatada amni xumo ee soo ragaadisay dalkeena.

Kalkaaliso Xildhibaanad Fawsiya, waxay caan ku tahay daba orodka Shariif Sakiin, waana gacan yaraha Shariif Sakiin, waxayna warbixintii Q/midoobay ku eedeysay inay ka shaqeyso falalka is xambaarka ah iyo tahriibinta (Human Trafficking) dumar iyo dhalin yaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo ay ka iibsato Viisooyin ay ku soo qaado qaab safaro siyaasadeed, caafimaad iyo waxbarasho, waana Qaswadayaasha magacyadooda sida weyn loogu xusay warbixintii UN Somalia Monitoring Group iminkana ku howlan mooshinka dhicisoobay ee lagu doonayo in lagu damiyo iftiinka iyo rajada shacabka ee Xukuumada Raysal wasaare Saacid.

Dadka kale, ee la ogaaday inay ku lugleeyihiin mooshinka dhicisoobay ee ka dhanka ah Xukuumada Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdirasaaq Xasan Cusmaan (Jurille), kaasoo aan u baahneyn falanqeyn dheeraad ah, maadaama ay Soomaalidu wada garaneyso uuna caan ku yahay wax isdabo marinta siyaasada labo wajiilenimada iyo hurinta colaadaha, horayna u boobay hanti fara badan oo dalku lahaa, gaar ahaana lacagtii mashruucii caanka ahaa ee FAO, kaasoo loogu talagalay horumarinta adeega bulshada Soomaaliya iyo ku shubistii suntan ee lugu aasay badda Soomaaliya.

Jurille ayaa sidoo kale, ku caanbaxay duminta dawladdaha iyo laaluush qaatenimada, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa maja xaabintii dawladdii marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna aad ugu dadaalaa in dalka aysan dawlad ka dhalan, maadaama uu ka cabsanayo in maxkamad lagu soo taago boobkii hantida Qaranka.

Ninka ugu dambeeya, waa Xasan Abshir Faarax oo mar Raysal wasaare ka soo noqday dawladdii Carte ee uu madaxweynaha ka ahaa Dr. C/qaasim Salaad Xassan , ninkani wuxuu caan ku yahay siyaasada nooca munaafaqeynta iyo labo wajiilanimada ku dhisan iska hor keenka qabaa’ilada Soomaaliyeed iyo hurinta colaadaha sokeeye, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa hurinta dagaalkii weynaa ee magaalada Muqdisho ka qarxay 1992-dii, kaasoo loogu magac daray dagaalkii Afar biloodlaha, waxaana dagaaladaasi ku naf waayay kumanaan dad rayid ah.

Ninkani, isagu wuxuu aad u jecelyahay inuu ka hor yimaado xukuumad kasta oo dalka ka dhalata, waana nin uu madax maray hanka Kursi doonimada ah, isaga oo ku doonaya si kasta oo uu ku heli karo kursiga Raysal wasaaraha, waana sababta uu ku diidan yahay Xukuumada Raysal wasaare Saacid.

Xasan Abshir waayihii ugu dambeeyey wuxuu aad ugu howlanaa siyaasada qariban ee Jubbooyinka, wuxuuna qeyb ka ahaa kala fogeynta dawladda iyo horjoogayaasha Jubbooyinka, iyadoo aaqirkii dhashay maamulo is barbar yaac ah oo sii fogeeyey rajada ummadda Soomaaliyeed.

Gabagabadii, aqristayaasha sharafta leh, waxaan u balan qaadeynaa inaan u soo gudbin doono warbixno cad cad kuwaasoo cadeyn u ah, talaabooyinka qaloocan ee ay qaadayaan kooxahaan qaswadayaasha ah kuna caanbaxay musuq maasuqa, laaluushka iyo khal khalgelinta horumarka dalka.

Leyla Xuseen Cilmi

Leylaxusen114@gmail.com

DAWLADNIMO YAA GEYA, CADAALADNA FALI KARA,MA MADAXWEYNE XASAN SHIIKH MISE..
Shir ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan bulshaweynta Soomaaliyeed ee deggen magaalada London dulucdiisuna aheyd soo dhaweynta G/Sare Cali Shiikh Siciid Mire (Jacjac) iyo siduu xog uga siin lahaa Soomaalida xaaladda wadanka meesha uu maraayo, maadaama uu goor dhow ka soo laabtay, waqti badana uu arrimaha Soomaaliya ka shaqeynaayay, ayaa waxaa lagu falanqeeyay sababta wadanki maamul ahaan isu raaci la’yahay, meesha isfaham xumida ka jirto iyo ma shacabkaan arkin ama aan kala saari karin shaqsiga waxqabad muuqda qabtay iyo kaan qaban mise xanuunka ninka kula heybta ah kuu geysto waxaa ka xanuun badan wanaga kan kaa heybta duwan kula doono?

Wuxuu matal u soo qaatay Madaxweynaha Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, kuna tilmaamay inuu yahay shaqsi hadaladiisa iyo habdhaqnkiisu aan marnaba israacin, carabkiisa waxaa ka soo dhaca waa macaan wadaniyad iyo jaceyl Soomaalinimo huwan, igamana aha xumo gaar ah aan shaqsiyan ugu dan leeyahay, waayo wareysi idaacadaha hore aan u siiyay ayaan ku sheegay in la toosiyo qaladka ka jira maamul u sameynta Jubbooyinka oo aniga aan ka soo jeedo, sidaadarteed,qofki qaladkaaga kuu sheego waa shaqsi jecel wanaagaaga, waxaan Ilaah hortii la tegi doonaa inaan marna ka leexan toosinta iyo ilaalinta danta guud, reer ama shaqsi Soomaaliyeedna aan xaqooda la duudsiyin ileyn waxey noqon dhib qofkastaa mardambe gurigiisa ugu soo gasho, waana sababta weli aan la burbursanahay, garana la’anahay badbaadinta danaha guud iney ku jirto tan gaarahaaneed.

G/Sare Cali Shiikh wuxuu yiri, Ingriiska wuxuu yiraahdaa,”Charity begins at home” marka, Madaxweynaha Xasan Shiikh hadalada uu ku soo celceliyo waxey tahay, Dhibka Soomaaliya jiraa inuu sal u yahay cadaalad darro, haddaan la xalin arrinkaana aan xal waara laga gaari karin wada noolaaanshaha guud ee shacabka soomaaliyeed, isagooo matal u soo qaatay, dadka shabaab raacay waxa ku qasbay ay tahay godob tirsi ama ciilis la ciilay, rabaana iney ka gutaaan qaar ay dakano ka tirsanyeen una awood sheegtay ayna dareensan yihiin iney xaqoodi duudsiyeen. Madaama Madaxweynaha indhihiisu xaqa saa u arkeen, maxaa diiday inuu ka bilaabo rugta uu fadhiyo xaqduudsiga ka jira, inta uusan shacabka intiisakale xaq u raadin ileyn haddii meesha kuu fadhiga ah aad qaldkeeda sixi weydo ma garan karo meesha ay cadaalad ka bilaaabato, bal dhowr dhacdo aan hadalkeyga ku kaabo ayuu yiri sarkaalka, Dadka Xamar asal ahaan ka soo jeedo waxaa loo diiday in lagu qadariyo mas’uuliyadda Caasimadda, markaas ayaa la dulsaaray nin Hiiraan ka yimid, haddii madaxdi garanweyday, kii la siiyay garasho waa tusiweyday inuu yiraahdo maya walaalkey baa iga leh, balse wuxuuba ilaaway sababta kursiga loo siiyay,Gobolka Shabeelada Dhexe iyadana Shaqsi aan mudnaanta laheyn ayaa la dul dhigay dadkii mudnaanta lahaa, weliba Madaxweynaha ku garab siiyay inuu weeraro Degmada Balcad Gudoomiyaheeda oo hore xaqa dadkiisa Xamar lagu duudsiyay, waxaa boob lagu hayaa dhulki xeebaha ahaa oo Lido u horeyso, waxa la qeybiyo kabiinooyinki goonida loo lahaa iyo kuwi dawladda laheydba, lana siiyay dad gaar ah iyo hay’ado maslaxado gaar ah ku xiran, Dhulki keydka ahaa ee caasimadda laheyd ayaa boob lala galay, waxaana lug xoog badan ku leh Shirkad uu Madaxweynaha laftiisa uu qeyb ka yahay lana yiraahdo (KULMIYE), Shabeelada Hoose dadkooda weli waa dhibtoonyihiin, dhul beereedki iyo guryihi magaalada lakala heystay waxba lagama qaban, farasmagaalki Caasimadda oo isdhexdaadsan ayaa boosas bixin cusub socotaa, Xamarweyne guryihi ku yaalay iyo meelahi banaanaa ayaa dad la siinaayaa, dadki deegaankana maalin kasta ay ka banaan baxayaan, haddaba Mdaxweyne Xasan Shiikh siduu ugu sheegi karaa Soomaalida kale inuu yahay nin raba in Soomaali uu Cadaalad ka simo, Hogaanimada maaha in ajnabiga ku yiraahdaan waad fiicantahay, shacabkaad magacooda huwaneydna cadaalad darro kaa tirsadaan, waxaa kale oo yaab leh ayuu yiri, in reerka uu ka soo jeedo u diiday iney ka mid noqdaan xukuumadda, una sheegay in mansabkiisu ku filanyahay, saasna ay tahay cadaalad fahamkiisa, wuxuu weydiiyay dadki shirka ka soo qeybgalay in xaqooda ay wadanka ku leeyihiin qof dhihi karo ka oomanaada anaa idiin wada hayee, waa caqli noocee ah?, Digil iyo Mirifle meeshuu kala dhacay waa lawada ogyahay, xitaa waqtiga xasaasiga ah wuu garan waayay bixinta mansabka siyaasadeed, Hiiraana waakaa ka abuuray deggenaan xumo iyo hoos hadal ka bilowday..

Sarkaalka wuxuu soo qaatay matal kale oo caksi ku ah, isagoo yiri siyaasadda duuban ee Soomaalida lageliyay inta badan waaqicga waa ka indhala’yihiin, waayo Madxweynaha Puntland hadal macaan loogama baran laakin waa ka xaq ilaalin badanyahay Madaxweynaha federalka, waayo dhulkuu ka taliyo marna Degmo nin aan u dhalan uma magaacaabin, xuquuqda dadka deegaankana aad ayuu u dhowraa,wuxuu abuuray maamul isheysta, wuxuu xaqiijiyay laga bilaabo maamulka ilaa ciidanka in uusan nina waayin mushaarka uu ku shaqeeyo dhamaadka bisha, wuxuu iska ilaaliyay inuu dagaalo ku xaliyo xurgufaha ka jira xuduudaha Puntland iyo gudaheedaba, wuxuu soo saaray siyaasadda dawlad goboleedka Puntland saaxadda caalimiga ah, wuxuu la dagaalay fadlanti lagu gurtay xoolihi maamulka, shacabka intiisa badana ay ka gaajeysnaayeen, wuxuu abuuray mashruucyo baahsan oo gaaray deegaanada Puntland taasoo u keentay Shacabka reer Puntland fursado shaqo, wuxuu xaqiijiyay Nabadda qofka muwaadinka ah ee deggaan rasmiya ku leh iyo kan qaxootiga ku jooga, waxaa iga tala ahaan laheyd inuusan isu arag oo keliya nin mas’uuliyad ka saarantahay qeyb ka tirsan Soomaaliya ee uu dareemo Soomaaliya inuu leeyahay, wanaagaana gaarsiiyo wadanka oo dhan. waxaa kaloo amaan mudan habka loo ilaaliyay dhismaha caasimadda dawlad goboleedka Puntland iyo sida taxadirka leh ee balaarinteeda loo qorsheeyay..

Madaxweyne Silaanyo waxaan ku tilmaami karaa nin carqaldeeyay deggenaanshihi hortii jiray, ku xadgudbay dhowritaanki dadka deegaanka iney iyaga isxukumaan waayo guud ahaan Awdal wixi ka dhacay weliba gaar ahaan Seylac waa qodob cad oo ka horimaanaya mabda’i ay Somaliland sheegatay iney kaga go’day Soomaali inteeda kale, isagoo qaldkaa maldahayana wuxuu bilaabay magcaabis gudoomiyayaal gobolada Somaliland uu isu dhaafinaayo qabaa’ilka. Marka laga reebo shacabka waxa ay dhisteen, dawladda canshuuraha ay qaado wax horumar bulshadeed ah oo lagu qabtay ma jirto, Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, muujinti dareenkooda ee aaya katalinta mustaqbalkooda wuxuu ku muquuniyay awood ciidan oo aheyd xanuunki Somaliland ku dhalatay in loo isticmaalay awood ciidan, isagana taariikhdi uu ku celiyay, kufsiga waa wax iska caadi ah.

Waxey ila tahay buu yiri Sarkaalka, Soomaalida iney ka fikirto mustaqbalka fog iyo daryeelka jiilalka danbe, dhaxalna u reebaan, iskana deyno tolnimo tuugeedka aan tagoogaha uga jabnay, garabna aan siino kii waxqabad muuqdo qabtay ama aan ku tuhmeyno inuu qaban karo, dawladnimo kii gartoo geya aan siino.

G/Sare Jacjac guud ahan wuxuu kula taliyay Soomaalidi ka soo qeybgashay shirka in wadjirkooda dhibta ay kaga bixi karaan, cadowgoodana kaga baqan karo, laakin tafaraaruqeena wuxuu yiri waa waxa meel aan mansabkeena aheyn na dhigay, qabiil la noqo kii kula fahma in aad doon wada saaran tihiin ee xaqa walaalnimo aad ku leedahay adoon weydiin ku siiyaa. Wuxuu xussusiyay Soomaalidi shirka ka soo qeybgashay kuna soo gabagabeeyay hadalkiisa maanso uu tiriyay Abwaan Maxamed Xaashi Gaariye AUN,

“ABKUU DOONO HA SHEEGTO’E

WUXUUNBAA EHEL II AH

DAD NINKAAN AF-AQAANEE

SI WAX IILA ARKAAYEE

NA MIDEYSO UJEEDDO.

Elmi Guleed

warsame114@hotmail.com

Abwaankii hantiyay hibada aqoonta geela.
Waxaan jeclaan lahaa inaan dadweynaha usoo gudbiyo lakulankaygii aan la kulmay allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Galayax, waraysigii aan la yeeshay ee aan kaga qoray gabayadiisii geela iyo kuwii kale ee colaadaha ku saabsanaaba, inkasta oo uu abwaanku diiday kana afeeftay in la faafiyo gabayadiisa colaaddaha kusaabsanaa maadaama uu ka toobad keenay kana soo xajiyay.

waxaan hadba in yar kasoo qaadan doonaa gabayadiisii geela ee uu caanka ku ahaa iyo aqoontii dheeraadka ahayd ee uu u lahaa.

Allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed Aw-magan (Cabdi Galayax) oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya wuxuu ahaa Abwaan hibo ilaahay u siiyay curinta suugaanta noocyadeeda kala duwan.

Abwaanku wuxuu dhashay 1930kii, wuxuuna ku dhashay meel Ulasan waqooyi uga toosan, wuxuuna ku soo barbaaray Wardheer, Shilaabo, Galgaduud iyo dhulka Ceelgaab loo yaqaan.

Wuxuu abwaanku maansadii ugu horreeyay tiriyay markii uu qaan gaaray ee uu 15 sano jirsaday, sababta maansadaas uu u tiriyayna waxay ahayd kadib markii aabihiis Muxumed Aw-magan uu la dhacay sida wiilkiisu uu geela u dhaqaaleeyo ayuu go’aansaday inuu siiyo geel uu lee yahay oo isaga u gaar ah, sidii buuna yeelay.

Cabdi galayax geelaas la siiyay waxaa la dhihi jiray dir Shawrood oo ahaa dir uu isagu aad u jeclaa, nasiib darrase hashii lasiiyaba waa ka dhimataa, isagoo arrintaas layaabban ayuu tiriyay maansadiisii ugu horraysay wuxuuna yiri:-

Nimanyohow dadba yaabye, hashaan geela ka doorto

Durba waa dhimataayoo, da’ba ii dhali maysoo

Dirran waa laga waayay, ma wadaad digrigii iyo

Diinka eebbe yaqaanoo, daliishii marinaayaan

Dugsigeed uga seexday, ma nin soo dibjiryoodoo

Dag-dagaysan rafaadoo, hadba saas u dayaayaan

Caaneheed ka darbeeyoo, daawadey ku ag maalay

Ma maantii la dareeroo, dagaalkeed lagu jeedoo

Fulaygii dib ku dhuuntaan, dirirteed gali waayoo

Halkaasay igu diidday, mise waa dayacaayoo

Waanan daajin aqoonoo, ayadoo dandaryaysan

Hadba naaga la daah iyo, daawis baan u baxaa

Mise duul culimaahoo, aan la daarin waxoodaan

Dulmi jeer uga qaadoo, akhribaa daba jooga

Mise duunya la’aantu, damac eebahay weeyoo

Daain wawgu samara?.

mar kalana isagoo isla geelaas ka le’anaaya ka hadlaya wuxuu yiri:-

Geelii dir showrood ahaa degelka loo qaadye

Dugaag iyo finbaa kala jabsaday dalawadiisiiye

Xaggeebaa dareen kaga jiraa dunida waa yaabe.

Abwaanku wuxuu ahaa ruux lexejeclada geelu ay aad ugu dheer tahay, hal la yiraahdo Aloos oo kasoo jeedda dir Shawrood oo abwaanku aad u jeclaa ayaa ka bakhtiday, dabadeedna wuxuu dareemay calool xumo weyn iyo xasuus uu ku sheegayo inuusan weligiis illoobi doonin hashaas inta uu nool yahay, wuxuuna yiri:-

Inkastoon adduun badan tabcoon ariyo geel yeesho

Amaan aqallo waaweyn dhistoo ilixir lay daaho

Ama aabbe lay dhaho intaan oday ku weynaado

Aloosey mindhaa abadankay waana ma illoobo

Itaalkeeda iyo qoorta iyo sida abuurteeda

Afarteeda naas iyo waxay idil walwaalaysay

Islaameedka ruuxii arkaa yaab la amankaagye

Illaacay ku tureen kuwii aad u fiirsadaye

Iniguna indhaha beelayaal waa la eersadaye

Aloosey mindhaa abadankay waana la illoobo

Intifaac adduunyada waxaan lala ekaynaynin

Waxaan igarka kaa diidahayn dhiminna aameelka

Oo ku ogoloo sida ilmaha kuugu ololaysa

Asaxaabihii iyo ma ogi uumankii hore e

Aadanahakani muusan arag neef la ayniyehe

Aloosey mindhaa abadankay waana ma illoobo

Hadday aaranimadii horiyo ugub ku geeryooto

Amuu aar habeen dilo intay ibaha nuugaysay

Uurxumo daraadeed sidaan uma ekaadeene

Aloosey mindhaa abadankay waana ma illoobo

Allaha unaxariistee Abwaan Galayax wuxuu u go’ay dhaqaalaynta geela yaraantiisii, dhallinyaro isaga la da’aada ayaa waxay dheheen Cabdiyow annagu magaalada ayaan galaynaa oo aan ka shaqaysanaynaaye na raac iska daa geelaan iyo dhibkiisee, dabadeedna wuxuu ugu jawaabay gabaygaan:-

Kabraalaha shaqaaliyo intaan kuuli qoranaayo

Ama kaariyow laygu oran kirada baabuurka

Amaan kurus hudheel lagu qaliyo kibista shiilaayo

Amaan hilib kalaankalahayoo beerka karinaayo

Amaan koorar wada suuda iyo kooyo tolanaayo

Amaan socodka waa lagu kibriye kor isu qaadaayo

Amaan marada kaawiyad dabloo kulul ku jiidaayo

Alleylehe kuraasey adaan kaalin kuu dhigiye

Adigaan kaliishiyo gugii koorta kuu sidiye

Adaan subax walbaba kuu kallihin kaymo doog badane

Adigaan karuurkaaga dhamin kaydka caanaha e

Adigaa kafaayada adduun kabay naftaydiiye

Adigaa haddii kiis I galo kaalmo ii noqone

Caanaha geela sida la xaqiijiyay waxaa ku jira maaddooyin badan oo jirka beni-aadamka faa’iidooyin uleh, abwaanku wuxuu waaya aragnimo ahaan ku arkay arrintaas, wuxuu kaloo xusay in caanuhu ay isaga u yihiin cuntada ugu qiimaha badan oo saddexda waqtiba isaga uu ku nool yahay, sidoo kale wuxuu sheegay in geelu uu u joogo meesha ragga xiniinyuhu ay u joogaan, wuxuuna yiri:-

Caanaha qiyaas laga lisiyo qoran karuurkeeda

Ayuunbaa quraac iyo cashaba lagu qaboobaaye

Qandha iyo kulayl laguma oga qabata meel baase

Qabsinkiyo calooshoo dhanbay qaras u diidaane

Inkastoo qasnado looga furo qadana loo yeelo

Magaalada ma qaayibo ninkay qaawo korisaaye

Qaxwe kulul qudaar iyo bariis qamadi laysiiyo

Qaddac subaga weel lagu daroo qiiqu ololaayo

Qalbiga waxawga sii roon inaan dhay qur-quriyaaye

Kol haddaan malkuhu ii qotomin qulubtay laabtiiye

Qisa nimaan lahayn baan ogayn qiimahay tahaye

wuxuu kusoo gabagabeeyay maadaama aanan gabaygoo dhan halkaan kusoo wada gudbin karin sidan:

Haddaan qarasha halkaas iigu jirin kuma qadiimeene

Qasdigaygu waa inaan iyada qararka daajaaye

Allow hayga qadin geelu waa qoorohoo kale e.

Abwaan Cabdi wuxuu geela ku hayn jiray dhulka doollo loo yaqaan ee dalsanka ah geeluna uu aadka u jecel yahay, wuxuu damcay inuu halkaas ka soo wareego oo uu dhulka marreexaanku dago usoo guuro markii ugu horraysay, arrintaas isagoo geela kula ballamaya wuxuu yiri:-

Wax dhanbaad gobaadey fadhiday godanka doolloode

Wax dhanbaad geyiga toomahaan gaana ku ahayde

Wax dhanbaad markii geel cashiyo gibillo weyneyde

Wax dhanbaan guntaydii huroo gacalkay moogaaye

Wax dhanbaan go’doon uga maqnaa gole marreexaane

Haddaan aniga geeriyi ihelin gugan la eegaayo

Meeshii gulaankiyo lahayd daranta gaagaaban

Oo gaalshireedluhu jiraan kuu gudbinayaaye

Ka googooso goonyaha wardheer geeddi baa tahaye.

Waxaan qormadaydan kusoo gaba-gabaynayaa gabaygii uu abwaanku ku galay tartanka gabayada geela ee akadeemiyaha fanka iyo dhaqanku uu qabtay 1975kii, kaasoo ay kasoo qayb galeen abwaanno farabadan, dhawr wareeg ka dibna waxaa isku soo haray saddex nin oo uu Galayax ka mid yahay, waxaa ka muuqda gabaygaas aqoonta dheer ee uu u leeyahay abwaanku geela cudurada ku dhaca, inta waxyaalood ee dhibta iyo daaweyntiisaba, gabaygii uu maalintaas ku qaaday lambarka koobaad qayb ka mid ah ayaan kusoo xirayaa qormadaydan, waana sidan:-

Anoo qayd malaykaana qaba maraba waa cayne

Iyo haatan madaxayga oo meela ka caddaaday

Intaasaan mareerta usidoon daba malluugnaaye

Waxdhanbaan mataanaha ka shubay tii macaan badane

Waxdhanbaan wadaan uga mel-melay ceelal maax kulule

Waxdhanbaan ku miray toomihii mulufka weynaaye

Waxdhanbaan habeenkoo mugdiya mayracoo rogaye

Waxdhanbaan magaalo u huroo meeriyoo dhaqaye

Waxdhanbaan haween uga maqnaa mehersigoodiiye

Waxdhanbaan maqaarrada usiday igarro muuq dheere

Waxdhabnaan u maray baarqabtii maydabta ahaaye

Waxdhanbaan islaan soo martiyay gaawahaw muraye

Waxdhanbaan masaar qaatayoo mooradow dhigaye

Madow iyo caddiin iyo guduud midabyadii geela

Macnihiisa oo idil sidaan anigu moodaayo

Kolay maxamed iyo raage tahay odayadii mayday

Waa muran nin kale oo iyiri kaaga muunsaniye

Mas qallacay mariid bahalohoo micida gaarsiiyay

Ragaad muday makaab qoriyohoo milil ku feexoobay

Muddin dhugato macaluul dhukaan moobahdiyo shiirka

Mud qaniinihii faranfarkiyo macal idaadowga

Mariiqdaar miskaha baaba’shiyo mayraqiyo dheegga

Shinbir madax maddane eedihii rogayay maankeeda

Maggaw celiye muruq naas ka gala iba maruubowga

Maraq gooya mayraxa qabtoo muruxu boogoobo

Lis maroorsan maalliin xun oo maalin iyo leyla

Marrey qumayo habar moorifloo madida cawryaysa

Marti samirtay miciyaan tol iyo maato laga seexday

Col muleenshay ood maratay iyo xero madoobaatay

Mulbis tuug masaafa u eryaha weligi maydhaama

Manoy xadaya tii lagu maqlana muran lasoo taagan

Libaax muuda mawtiga dhurwaa mirasha goobtaaga

Intaasoo mahtalakooyinaa mooga leedahaye

Masuubada allow nooga hay maralka geeleenna

haddii ilaahay idmo waxaa dhowaan soo bixi doona gabayada geela ee abwaanka buug aan ka sameeyay.

Wabillaahi tawfiiq.

Xasan Bulxan Cali

Email: bulxan105@hotmail.com

Darwin Australia.

Shaki soo kala dhexgalay shacabka iyo doowlada kadib qaraxyadii Muqdisho…{Warbixin}
Hoonka tirada badan ee gaadiidka ka wada yeeraya, kala cararka iyo kala fogaanshaha gaadiidka doowlada iyo kuwa rayidka, shacabka lugeeynaya ee ay feejignaanta ka muuqato, Askarta gaadiidka saaran ee qoryaha keebka ku wada dhagan, iyo ilaalada xaruumaha gaarka loo leeyahay ee albaabada hortooda qoryaha la taagan, intuba waa wax hada ka taagan Muqdisho, gaar ahaan wadooyinka waaweyn, kuwaas oo laga dhaxlay weerarkii Isniintii lasoo dhaafay lagu qaaday dhismaha xaruunta Garsoorka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyo sidoo kale xirfada dagaal ee maalmahaan Muqdisho kusoo biirtay taaso ah gaadiidka lagu eryanayo gaadiidka kale ee qaraxyada lagu soo raro.

Majiro qof arintaan faa’iido ku qaba, waayo qof walbo Alloow ibixi ayuu wadada ku maraa masuul iyo shacab intaba.

Gaadiidleeyda ayaa si gaar ah u cabanaya iyagoo shegay in ka sokoow qatarta guud ee ay dadka la qabaan in iyaga ay u gaar tahay mushkilad nafeed iyo mid dhaqaale ama bur burinta gaadiidkooda oo ay kala kulmaan Ciidamada doowlada.

“Dhibka gaarka ah ee aan qabno waxa waaye maalin walbo liifka qoriga ayaa nagula garaacaa, waxaan aad u jeedid ee gaarigeyga ku yaala waa liif, Ciidamada doowlada waxay nagula dhaqmaan si islaam ka bax ah” sidaa waxaa ku cataabay mid kamid wadayaasha gawaarida Muqdisho.

Ciidanka oo ay ahayd in ay amaanka sugaan, ayaa hada iyaga ku mashquulsan ineey naftooda ka ilaaliyaan qaraxyada iyo weerarada.

Inkatoo baabuur walba oo magaalada Muqdisho ku socda uu isticmaalo sumadii ama taargada, hadana gaadiidka xumaan iyo samaanba waa look ala adeegsadaa taasna waa qayb kamid ah mushkilada, iyadoo Ciidanka ku shaqada leh ee taraafikada aaneey haysan hanaan xirfadeeysan oo ay arintan ku maareeyaan.

Isticmaalka wadooyinka Muqdisho, ayaa kala roon oo waxaa jira qaar ay gaadiidka sideey doonaan u isticmaalaan iyagoo cabsi badan iyo handadaad intaba lakumin, waase gaadiidka rayidka oo kaliya, halka dhibka ugu badan oo ka taaganyahay wadada Maka Al-mukarama, waxaana wadadaan si joogta ah u isticmaala madaxda doowlada Soomaaliya, Ciidamada AMISOM, iyo gaadiidka hay’adaha dalka ka howlgala.

“Saaxiib wadadaan Maka Al-mukarama aadeey u dhib badantahay, wadooyinka kalaa kafiican taan maahan mid uu Bl-ka ku shaqayn karo” sidaa waxaa leh mid kamid ah darawalada kahowl gala Muqdisho.

Gaadiidka aan la garan qofka wata, hadii inta jidka dhinaciisa lagu baakimo laga tago, hadana mudo kadib iska qarxa, waa Oodinta ugu badan ee ay dadka reer Muqdisho beryahan beryahaan lasoo gudboonaatay.

Dhacdo ka dhacday KM4:

Maalin maalmaha kamid ah, aya waxaa dhacday in wadada Maka Al-mukarama ay xirnaato saacado dhan 2 Saacadood, kadib markii la sheegay in gaari yar oo nuuca CARIB-ka loo yaqaano ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lasoo dhigay isgoyska KM4 gaar ahaan mesha baabuurta la dhigto ee kasoo horjeeda Al-xarameyn Stationary.

Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM, ayaa isku gadaamay dhamaan wadooyinka soo gala KM4, iyagoo diiday in wax gaadiid ama dad weyne ah ay Isticmalaan halkaas, laakiin arinta layaabka lahayd ama qosolka lahayd ayaa ahayd, kadib markii uu yimid ninkii lahaa gaariga laga shakiyay, kaasoo hurdo kasoo kacay jiifayna Hotelka Amabasador.

Kadedka ka taagan kala shakiga Muqdisho xitaa waxa uu haystaa dadka lugeeynaya, qaarkood oo aan la sheekeystay dadkaas lugeeya ayaa ii sheegay in lugta ay haatan ka wanaagsantahay in gaadiid la raaco, waxaana qof walbo uu si taxadir leh ku maraa wadada.

Inkastoo Muqdisho, ay soo martay sanado murug iyo colaado ragaadiyeen, oo ay habeenada qaar madaafiicda sida roobka oo kale laysugu weydaarsan jiray, hadana shacabka Muqdisho 2dii sano ee lasoo dhaafay, waxay waxaasoo dhan ku iloobeen horumarka dhanka nabada iyo dib u dhiska daraha iyo Hotelada bilicda leh, sido kale wexay dhibaatadii soo martay ku hilmaameen wadooyinka waaweyn ee lagu xardhay nalalka cad ceeda qoraxda ku shaqeeya kuwaasoo habeenkii magaalada ka dhiga sida maalin oo kale

Fadeexada Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo sii kordhaya iyo Wiilal dhalinyaro ah oo qaab qabiil lagu siiyay Baasaboorka Diblomaasiga, Daawo Sawirada
Waxaa sii kordhaya Fadeexada ka taagan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo awalkii hore la is lahaa waa nin aqoonyahan ah waxaa uu xulan doona ragg aqoon u leh Shaqada Siyaasadda iyo Maamulka hase yeesha waxaa soo baxaya in Madaxweynuhu dhexda ka taagan yahay habkii kalsooni burburka dadka Soomaaliyed isagoo soo xushaday dad ku heyb ah oo qaarkood dhashay 1991 dii qaar kalena da’dooda lagu qiyaasay 25 jir ayna u dheer tahay iyagoo ka qaawan aqoonta diblomaasiyadda.

Baratakoolka madaxweynaha iyo Shaqaalaha Xafiiska ayaa ah dhalinyaro aad u yar yar isla markaana qaarkood waxbarashooda laga shakisan yahay.

Abdirahmaan Aadan Osman (Kampala) dhalinyaradii Simad ka baxay dhawr sano ka hor da’diisa waa 24 jir, waxaa uu ka mid yahay Saraakiisha baratakoolka, waxaa uu ka soo jeeda qabiilka Madaxweynaha, waxaa uu ka sii yahay Waceysle Cali Gaaf, waana jufada hoose ee Madaxweynaha.sida ay newsomali.com sheegeen xubno Xafiiska Madaxweynaha ka tirsan oo ka cabanaya Wiilasha adeerka u yahay

Sawirkan waxaa la qaadat Daraad Markii Madaxweynaha ku sii jeeday shirkii Carabta ee Dooxa ka dhacay, Abdirahmaan Aadan Osman (Kampala iyo Madaxweynaha, Wiilkan waxaa uu ka mid yahay dhalinyaro dhawr ah oo la siiyay baasaboorka Diblomaasiga waxa uu ka mid yahay Shaqaalaha Baratakoolka madaxweynaha, Laakiin howshaas Aqoon uma laha

Si deg deg ah ayaa loo siiyay Baasaboorka Diblomaasiga, Markii uu simad wax ka baranayay waxaa uu baranayay Xisaabadka lama hubo inuu dhameeyay waxbarashada laakiin waxaa la fahamsan yahay in Luuqadaha carabiga iyo Ebgelish-ka jabjabsado.

Lama oga in Facebookan uu leeyahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud laakiin newsomali.com ayaa ogaatay in Facebookan uu isticmaalo Wiilkan adeerka u ah Madaxweynaha isaga ayaa xilli kasta soo geliya Sawirada, waxaa uu ka mid yahay Wafdiga Madaxweynaha ee dhawaan booqday Qadar iyo Imaaraadka Carabta,Sida ku Facebooka waxaa lagu qoray inuu yahay kan gaarka ah ee Madaxweynaha laakiin marar badan ayaa lagu arkay Madaxtooyada iyo meelo kale iyadoo Wiilkan furanaya, Waana mid laga og yahay Magaalada Muqdisho oo dhan Waxaana ku qoran Magacan XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Madaxweynayaasha Caalamka waa isticmaalan Facebook laakiin iyaga ayaa gacantooda ku furta ku maamushada laakiin Madaxweynaha Soomaaliya weli si cad uma sheegin inuu isaga leeyahay Facebookan balse Wiilasha la jooga ayaa dad u sheegaya inuu Madaxweynaha leeyahay Facebookan.

Ilo wareed ayaa u sheegay newsomali.com in xataa Xafiiska Madaxweynaha la keenay gabadho aad u yar yar iyo Wiilal kale oo dhamaantood gacanta loo geliyay Baasaboorka diblomaasiga.

Bal Si fiican u fiiri Madaxweynaha oo Salamaya Mas’uul meesha uu taagan yahay Kamal Agaasimaha Madaxtooyada arka,

Dabcan waa Muwaadaniin Soomaaliyed xaq ayay u leeyihiin inay ka shaqeeyan Xafiiska Madaxweynaha iyo meelo kale laakiin waxaa wanaagsan in lagu soo xulo aqoontooda.

Bal Eega Madaxweynaha Soomaliya iyo Madaxweynaha Uganda, Faarax C/qaadir meesha uu fadhiya bal eega, Adduunka lama arkin Sidan oo kale waxaa kaliya Madaxweynaha u dhawaan kara Waa Safiirka dalkaas jooga Sayid Axmed Sheekh Dahir, Laaakin tani Fadeexadaha ayay qeyb ka tahay

Shaqaalaha Dowladda waxa la siiyaa Baasaboorka Serviska laakiin shaqaale kasta oo Dowladda u shaqeeya ma aha in Baasaboorka diblomaasiga gacanta loo geliyo.

Baratakoolka aad ayuu u liita dadkii howshaas aqoonta u lahaa dibadda Xafiiska ayay dhooban yihiin looma oga in inay shaqadooda qabsadan.

Dhaliilaha lagala kulmo baratakoolka Madaxweynaha ayaa ah in marka uu qaabilayo Madaxda kale ee dalalka uu booqanayo in dhalinyarada iyo xubnaha kale ee la socda iyagaba ay kaga horeeyan salaanta, mararka qaarna waxaa la arkaa iyagoo taagan meel aan munaasab ahayn.

Muuqaalkan waxaa uu ka mid yahay nidaamka qaldan ee Madaxweyne Xasan Sheekh, Warbixintii shalay aan daabacnay ayuu qeyb ka yahay

Fanaanada SAHRUUJA maanta waxay leedahay MEER MEERTOOY ADDUUN Daawo Hees Cusub
Boqorada Codka Dahabiga ee Sahruuja Abshir Coon ayaa mar kale soo saartay hees aad u macaan oo ka hadlaysa qiso dhab ah oo mar walba ka dhex dhacda bulshada ama lamaanayaasha is jaceyl iyo kuwa is guursaday oo jaceylkooda natiijo ka gaaray.

MEER MEERTOOY ADDUUN NIN-BA MAALINTIISA AY SOO MARTAA MAANKAA KU HAAY, WIXII OO MACEEYN MAYAA LA ISKA YIRAAHDAA waa weyb ka mid ah Eriyada Heesta cusub ee Fanaanada Sahruuja.

Sahruuja waxay bedeshay Fanaaniintii waa weyn ee Heesaha Banaadiriga looga bartay sida Faadumo Qaasim Ilaahay ha u naxariiste, Caasho Cabdow, Luul Jaylaani, Waxaa hadda loo bixiyay Boqorada Codka Dahabiga ee Heesaha Banaadiriga iyo weliba Heesaha kale.

Fanaanada ayaa Heesaha ay soo qaado Maalmahan waxay noqdeen sidii Tubax furtay oo kale midba mida ka dambeysa waa ay ka daran tahay mararka qaar inaad kala doorato heesaha ayaa ku wareeraysaa mid walba waa Jaceyshahay tee dhageysanaysaa sidaas oo ay tahay Fanaanada waxay ku dadaalaysa in heesaheeda u badiso dhinaca Muuqaalka xilliga kuleelaha ee Mareykanka.

Dam-jadiid waa qolama?
Waxaan wax badan maqalnaa mucaaradka dowladda oo leh (Dam-jadiid), ayaa wadankii qabsaday, mucaaradkaas iyaga ah, ha noqdaan kuwa is badalka cusub ku waayay danahoodii gaarka ahaa ama kuwa kursi ay u hanqal taagayeen looga fariistay oo waliba ay uga fariisteen rag isku soohan oo dadaal iyo is badal muuqda wadankii ku soo kordhiyay.

Qofka caadiga ah marka uu maqlo Dam-jadiid ” Dhiig cusub” waxaa maankiisa u soo deg degaya, koox qabiil iyo heyb wadaag dartii isu kooxeysatay, sida looga bartay dhaqanka siyaasadda soomaaliya, laakin arrintu sidaa ma ahan. Dam-jadiid waa dad fikir wadaag ah, soomaali oo dhanna ka kooban, lehna aqoon diineed iyo mid maaddi ahba.

Soomaaliya, waxaa ka jira nidaam awood qeybsi oo lagu heshiiyay, xukuumadda hadda jirtana waxay ka dhalatay heshiiskaas isaga ah, waxaana wada ognahay in Madaxweynaha, Raysal-wasaaraha, Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxa Maxkamada sare aysan ka tirsaneyn urur gaar ah. Marka waxa la yaab ah in dadka qaar ku geegaaraan Dam-jadiid baa wadankii qabsaday, iyaga oo islamarkaana dadka siinaya sawir khaldan iyo wax aan jirin.

Haddii ay jirto sida ay sheegayaan oo ah in Dam-jadiid waddankii majaraha u qabtay, maxaa dhib ah oo ku jira in dad soomaali ah oo ku midoobay fikir iyo urur ay dalka maamulaan, sow ma aheyn wixii laga cararayay (qabyaalad)?? mise arintu waa; oohintu orgiga ka weyn.

Waa muhiim in qofka siyaasiga ah lagu qiimeeyo kartidiisa iyo wax qabadkiisa, balse aanan la isku mashquulin halka uu reer ahaan iyo fikir ahaan ka soo jeedo, haddii kale hogaamiya kooxeedkii iyo kalkaaliyayaashoodii oo shalay dalka iyo dadka diirtay, ayaa shaati kale inoo soo gashanayo.

Ahmed-haadi Muhumad

haadi30@hotmai.com

Saxafi been ka sheegay Danjire Nuur Cadde “Qormo”
Qormo maanta kusoo baxday mid ka mid ah Website-yada Soomaalida ayaa si aan leexasho laheyn loogu sharaf dilay mas’uuliyiin Qaran oo xilligan adag ummadooda u adeegeysa, iyadoo laga been abuurayay Jaaliyadda Soomaaliyeed Talyaaniga isla markaana laga faafiyay warar aan sal iyo raad laheyn.

Qormadaasi ayaa lagu sheegay in Danjire Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” iyo Garyaqaan Cali Abuukar Xaayow “Cali Marduuf” ay yihiin dad aan aqoon u laheyn siyaasadda arrimaha dibadda, isla markaana ay habooneyd in dowladda Somalia shirka Roma u soo dirsadaan dad aqoon u leh siyaasadda arrimah dibada.

Intaas laguma soo koobin sharaf dhaca loo geysanayo mas’uuliyiintaasi, wuxuu yiri qoraaga warbixinta oo ahaa Suxufi is qarinayay, Danjire Nuur Cadde oo ku khudbadeynayay luuqada Ingiriiska waxay ku qasabtay wafuuda shirka ka qeybgaleysay iney hurdaan, bal Soomaaliyeey idinka ayaa ka warqaba heerka mansab ee Nuur Cadde ka gaaray siyaasadda Soomaaliya iyo dunida.

Isla qoraaga warbixinta wuxuu ku eedeeyay garyaqaanka la yiraahdo Cali Marduuf inuu  documentiyo been ah dadka u sameeyo kana qaato lacago, isagoo markaasi ula jeeday inuusan Cali Marduuf istaahilin la-taliyaha dhinaca sharciga ee Madaxweynaha.

Hadaba arrimahaasi oo dhan iyo kuwo kale oo qormadan lagu soo koobi karin waxay meel ka dhac ku tahay sharafta Saxaafadda iyo mas’uuliyada ay saaran tahay saxafiga qoraaga ah, xitaa waxaa la adeegsaday magaca Jaaliyadda Soomaalida ee Roma, caddeyn buuxdana looma haayo, ileyn waxay Jaaliyadda leedahay guddi iyo maamul oo aan xigasho lagu sameyn, marka waxaa muuqato in la adeegsaday magacoodda lagana been sheegay.

Madaxweyne Xasan Sheekh isaga ayey u taalaa inuu magacowda qofka kala talinayo sharciga, dowladda Soomaaliyeedna, iyada ayaa ka mas’uul ah qofka shirarka dibadda ka dhaca ay u dirsan laheyd, ma ahan mid lagala tashanayo Saxafi qurba joog ah iyo shaqsiyaad Soomaaliyeed.

Xigmad kuma dhisma warbixinta meel ku dhaca ah ee laga sameeyay Danjire Nuur Cadde iyo Garyaqaan Cali Marduuf, laakiin waa aqoon afka baarkiisa ku eg, yacni waxaan ula jeedaa “jugeyso, wax ka hel”.

Waa Askari, Boolis ah, waa nin bartay sharciga, wuxuu soo maamulay hay’addo gaar ah, wuxuu madax kasoo noqday hay’adda bisha Cas Soomaaliyeed, wuxuu noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya ilaa ugu danbeyntii lagu aamino Safaaraddaha Roma iyo Biljamka, sidaasi darteed waa nin Soomaalida ixtiraam u hayso.

Waa dhici kartaa in Nuur Cadde qalad galo, ileyn waa bini’aadam, mana difaacayo shaqsiyadiisa, balse ma ahan maanta in Nuur Cadde loo tilmaamo sida Khudbadaha loo jeediyo, waayo ku dhawaad 45 sano ayuu maamul ku soo dhex jiray.

Garyaqaan Cali Marduuf waa nin ku takhsusay sharciga, wuxuu had iyo jeer u taagan yahay inuu difaaco dad Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Roma, haddaan qaldaneena waxaa xasuusteyda og tahay in bishii Oktoobar u doodayay Gabar Soomaaliyeed oo labo cunug laga haysto,  issagoo ku mashquulsanaa soo celinta caruurtaasi maqan.

Dadka howsha nuucaasi ah haaya, ayaa waxaa muuqata in maanta sharaftooda meel looga dhacayo, waana wax laga xumaado waxaanse kula talin lahaa dadka daaha gadaashiisa ku jira ee warbixinada noocaasi ah soo qora iney ka fogaadaan dacaayadaha beenta ah, sharaftoodana dhowraan.

Cali Muxiyaddiin Cali

Muxiyaddiin@hotmail.com

Waa maxay Damul-Jadiid, halkey salka ku hayaan, hadafkoodu-se maxuu yahay?
Akhristow intaanan u gelin ka hadalka Kooxda Damul-jadiid, waxaan jeclahay inaan si kooban u qeexno Xarakada Al-islaax, maadaama ay weli kooxdani si khaldan u isticmaasho magaca Ururka Al-islaax oo ay waa hore ka fallaagowday .

SOO IFBIXII FIKIRKA IKHWAANKA SOOMAALIYA

Fikirka Al-islaax ama Ikhwaanka-Soomaaliya ayaa ka soo jeeda Manhajka guud ee urur weynaha Ikhwaanul-Muslimiinka caalamiga ah, kaasoo ah dhex’dhexaadnimo iyo in diinta loofidiyo si xikmadeysan oo dhaxdhxaad ah, wacdi iyo waano iyo akhlaaq wanaagsan, sidoo kale in umadda jahliga laga saaro, islamarkaana laga dhiso dhanka tacliinta diiniga ah iyo tan maadiga ah labadaba, lagana fogaado shidada iyo xagjirnimada.

Fikirkan Ikhwaaniga ah ayaa soomaaliya ka soo ifbaxay dabayaaqadii lixdamaadkii, waxaana keenay nin la oran jitay Sh.Abdi Qani Sh.Ahmed Sh.Aadam oo ah ninka aas aasay majmac la oran jiray Alnahdatul-Culamaa, (hinqashada ama baraaruga culimada), Sheekha oo masar wax ku soo bartay islamarkaana aaminsanaa fikirka Ikhwaanu-muslimiinka caalamiga ah ayaa u sabab noqday in fikirka Ikwanka soo gaaro dalka Soomaaliya.

Sh. Abdi Qani Sh. Ahmed Sh. Aadam oo ku dhashay Degmada Xudur ee gobolka Bakool, ayaa waalidiinta dhalay waxaay ka soo jeedeen deeganka Soomaalida ee dalka Ethiopiya.

Sheekha oo jagooyin sarsare ka soo qabtay dalka Soomaaliya,sida lataliye maxkamada sare iyo Wasiirka Cadaalada ayaa markii dambe waxay isku dheceen, Kacaanka oo ka hor yimid fikirka Ikhwaanka, taasoo kaliftay inuu u baxsado dhanka dalka Kuwayt.

Sheekha oo lahaa waxbarasho tayadeedu sareyso ayaa markiiba xibin buuxda ka noqday Golaha Fuqahada dalka Kuweyt. Sheekha ayaa ku geeriyooday dalka Kuwayt, sanadii 2007/08/17. naxariistii eebe Allah ha ka waraabiyo aamiiin.

DHALASHADII AL-ISLAAX AMA IKHWAANKA-SOOMALIYA

Ururka oo in mudda ah ku mashquulsanaa fidinta afkarihii uu xambaarsanaa ayaa ku guuleystay soo dumida ama hanashada quluubta in badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan, dabaqada sare ee bulshada, kuwaasoo isugu jiray, culimo, aqoonyahanno iyo arday. Madaama la gaaray guul wax ku ool ah oo dhanka fikirka ah, ayaa la go’aansaday in fikirka ficil loo bedelo, waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqay urur loogu magac daray AL-islaax, 1978/05/11, dalka Saudi Arabia.

Al-islaax waxaa aas aasay culimada kala ah:

1. Sheikh Mohammed Ahmed Nour

2. Dr. Ali Sheikh Ahmed Abubakar

3. Mr. Ahmed Rashid Sheikh Hanafi

4. Dr. Mohammed Yusuf Abdi

5. Mr. Abdullah Mohammed Abdullah

KHILAAF: AWOOD-DHAQAALE-QABYAALAD

Waxaan soo sheegnay in inta badan xibnaha ururka ay ahaayeen, dabaqada sare ee bulshada, Culimo kawaadir muthaqafiin ah oo xambaarsan shahaadooyin jaamacadeed, sidaasi darteed marna saaxada kama marneyn tartan “siyaasad, awood iyo dhaqaale-raadis ah”.

Markii la soo gaaray dabayaaqadii sideetamaadkii, oo ay dhamatay shahrul-casalkii, Kacaankiina sii liicayo, ayaa waxaa soo muuqday ifafaalo wanaagsan iyo in mardhow laga bixi doona ashuun ku adimka, Waxaa bilowday baratan dhanka siyaasadda ah, waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya hogaanka sare ee Ururka.

Khilaafka ururka ayaa sii laba lixaadsaday, markii ay bur’burtay dowladdii Jaale Siyaad, waqtigaas oo la filayay inuu ururku ka faaiidi doono, maadaama ay meesha baxday dowladii xooga badneyd ee dagaalka kula jirtay, laakiin taas bedelkeeda waxaa sii kordhay loolankii siyaasadeed. Markan waxaa ururka soo dhex galay khilaaf ku saleysan”Qabiil iyo Qabyaalad “, waana wakhtiga loo waqlalay, kooxda Damul-jadiid

WAA MAXAY DAMUL-JADIID?

Waxaa waayadan isa soo tarayay hadalhaynta Urur ujeedo badan ah oo la magac’baxay “Damul jadiid” ayadoo dadkuna ay siyaaba kala duwan u fasirayeen. Hadal hayntan ayaa timid ka dib markii Xassan Sheik Mahamuud oo ka tirsan Ururka uu si lama filaan ah ugu guuleystay doorshooyinkii kal hore-Agoosto-2012 ee madaxtinimada Soomaaliya.

Dhanka luqada magaca Damul-jadiid waa carabi, waana 2labo erey oo is fangashan, oo ah “Dhiig iyo Cuseyb“.Magacan sida muuqato waa mid xambaarsan dareen gaar ah . Xaqiiqada iyo danta loola baxay ilaahbaa naga og, laakiin ugu yaraan ma aha mid u wanaagsan maqalka dhegaha qofka caadiga ah.

In kasta oo Dhiiga-cusub (damul-jadiid) lagu dhawaaqay 2006 da, hadana waxaa la rumeysan yahay in kooxdani fallaagoowday horaantii sagaashameeyadii, laakiin aan si rasmi ah loo shaacinin, waxay ahaayeen dhaqdhaqaaq qarsoon oo ku qaraabta magaca xarakada Al-islaax iyo wejiyo kaloo badan.

URURKA DHIIGA-CUSUB IYO DAGAALADII AHLIGA

Dad xog ogaal ah ayaa rumeysan in kooxda Dhiiga-cusub oo ah koox bragmaatik ah (pragmatic), islamarkaana u badan maalqabeeno ay ka mid tahay kooxihii dhex dabaashay fitantii iyo dagaaladii sokeeye, hadana aan siibin shaarkii xarakada ilaa iyo haddana gashan, Ahdaafta ugu weyn ee aay higsanayaan ayaa ah “maal iyo mansab”

Madaxweyne Xassan Sheik ayaa la sheegay inuu si toos ah ugu lug lahaa dagaaladii sokeeye.Xog hoose ayaa lagu ogaaday inuu Madaxweyne Xasan Sheekh uu xubin buuxda ka ahaa ururkii dalka burburiyey ee USC, kaasoo lagu xasuusto, dil iyo xasuuq shacab, boob iyo dhac hanti qaran , kufsi iyo barakicin dadweyne.

Mr.Xassan iyo Gn.Caaydiid: Kulamo ka badan 30 sodon ayaa la sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Generaal Caydiid ay wada qaateen sanadihii u dhexeeyey 1992-1995 ka hor inta uusan geeriyoonin Caydiid.

Ilaa hada wararka la hayo ayaa ah kuwo xanbaarsan xoga farabadan, waxaana la soo gaarsiinayaa ilaa wakhtigii dagaalkii bilooyinka qaatay ee lagu halaagsamay, una dhaxeeyey labo beelood.

Waxaa laga warhayaa in markii uu fashilmay kulankii Qaahira-masar ee la isugu keenay kooxaha soomaalida, uu xassan madax ka ahaa koox ka socotay dhanka beeshiisa oo wadahadal kula jirtay dhinacii ka soo horjeeday ee ay isku hayeen gacan ku haynta Muqdisho.

Mr. Xassan iyo Eenoow: Madaxweyne Xassan, waxuu xariir dhaqaale iyo mid siyaasadeedba la lahaa ING. C/qaadir Eenoow,Bashiir raage shiiraar, maxamed dheera, Abukar cadaani, oo dhammantood ahaa hogaamiye kooxeedyo maalqabeenno ah. Madaxweyne Xassan ayaa wax ka ogaa furitaanka Dekadda Ceelmacaan oo ay shirka ku ahayeen, waxayna xubno ka ahaayeen intooda badani Ururka Dhiiga-Cusub ragga aan kor ku soo xusnay.

Waxaan hayaa tibaax ah inay jirto Sharikad lagu magac’aabo Kheeyraad oo ka dhexeysa madaxweynaha iyo Eenoow, laakiin war badan kama hayo sharikadan iyo meesha ay ku taalo, waxaan codsanayaa in la dabagalo.

Sahankii Mr.Xassan ee Jubaland: Sanadii 1988 dii, marki uu ka soo laabtay dalka India oo uu waxbarasho u aaday , waxaa la sheegay inuu sahmin ku sameeyay qaar ka mid ah gobolada dalka gaar ahaan Jubaland, asaga oo sheegay inuu halkaas ka fuliyo howlo la xiriira samafal, laakiin la filayo inuu ahaa sahan la xiriirra “maal iyo mansab”. ilaa iyo hadana lama hayo, wax samafal ah ama raad xoojinaya sheegashada Mr. Xassan.

Shirkii Carta iyo Dhiiga-Cusub: Waxaan meesha ka maqneyn Jabuuti, gaar ahaan Madaxweyne Geele, oo xibin ka ah Ururkan, sidoo kale Cabdi qaasin Salaad, Sh. shariif iyo maalqabeeno kaloo badan, oo isugu jira Soomaali, carab iyo ajaanib kale, Shakhsiyaadkaas oo dabada ku wata sharikado ganacsi oo waaweyn.

Ururka Dhiiga-cusub ayaa qeybweyn ka qaatay abaabulka shirkii Carta-Jabuuti iyo doorashadii Cabdi Qaasin, sanadii 1999-2000 ee uu hormuudka ka ahaa Madaxweyne Geelaha Jabuuti. Waxaa la hayaa xog sheegeeysa in soo bixidda Cabdil Qaasin uu ka dambeeyay Ururka, gaar ahaan madaxweynaha martida loo ahaa, sidoo kale waxa dhacday in xibnihii barlamanka berigaa lagu daray xibna qarsoon oo si toos ah u mataleyay kooxda Dhiiga-Cusub (Damul-Jadiid).

DKM iyo Dhiiga-cusub: Dowladdii ku meel gaarka ahaeyd ee Sh. shariif , Madaxweyne Xassan waxuu ka ahaa la taliye qarsoon, sanaddii 2011-da Madaxweyne Xassan waxuu furtay xisbi ay xibnihiiso wada yihiin Dhiiga-Cusub (PDP), sidoo kale miisaaniyaddi sanadkan ee dowladda uu madaxa ka yahay waxaa qorsheeyay Arday wax ka barata Jaamacdda SIMAD oo uu leeyahay, Madaxweyne Xassan , iyada oo la heli karay khubaro arimahan ku xeel dheer oo ruugcadaa ah horena uga soo shaqeeyey wadammadda Caalamka oo illaa PHD degree wata.

GUUSHII URURKA DAMUL-JADIID KA SOO HOYEEN DOORASHADII OGOOSTO 2012.

Guusha madaxweyne Xassan ee doorashadii Ogoosto 2012, ma aheyn mid si dabiici ah u dhacday sida dad badani u maleynayaan, Waxay ku timid iskaashi wadajir ah oo aay sameeyeen qaar ka mid ah dowladaha caalamka sida dowlada Qadar iyo Dowladda Turkiga, iyo shakhsiyaad tujaar ah oo ka tirsan ururka Dhiiga-Cusub iyo kuwa calami ah oo dano kala gaar ah ka lahaa dalka Soomaaliya.

Booqashadii London, Madaxweyne Xassan wuxuu qirtay inuu ka tirsan yahay kooxda Dhiiga-Cusub iyo inuu weliba ku jiro xeyndaabkooda, oo la micno ah inuu fulinayo rabitaankooda dhaqaale iyo Awood, laaliin Ilaa iyo hadda lama oga jagada rasmiga ah ee uu ka hayo kooxda Dhiiga-Cusub (damul-jadiid), balse dadka qaarkii ay yiraahdaan Dhiiga-cusub taladooda la´aanteed waxba kuma dhaqaaqo .

Kooxda Dhiiga ay si weeyn u soo dhaweeyay markuu isu sharaxay xilka madaxweynaha, Aqoonyahanada Iyo taageerayaasha kooxda ayaa baahiyay qoraalo badan oo isugu jira, afsoomaali, Carabi iyo English. Waxay aad u adeegsanayeen TV.yada iyo Idaacaha Caalamiga iyo kuwa gudaha, ayaga oo ka dhigayay sida inuu yahay seylalaxo nabdoon( ninkii nabadeyn lahaa) oo soomaaliya loo soo diray, iyo in loo baxay nabad iyo warsan.

Aqoonyahanno ka tirsan Ururka oo ku sugan dalka Qadar ayaa madaxweyne Xassan iyo barnaamijkiisaba ka gaday dowladaha Qadar iyo Turkiga, iyada oo la wada ogyahay in Qadar tahay dawlda kaliya ee ah ikhwaanul-musliim, marka laga hadlayo dawladaha khaliijka waxayna si weyn u fangareysaa ururada ikhwaanul-muslimiinka ee ka jira wadamada carbta iyo islaamka, iyada oo adeegsaneysa hab walba, sida lacago, diblumaasiyad, iyo Telefeshinka caalamiga ah ee Al-Jazeera.

Dhiiga-cusub ayaa ku guuleystay baafinta information ah, inay matalaan aragtida cusub ee isbeddel doonka Ikhwaanka Soomaaliya, sidaas darteedna loo baahan yahay in la caawiyo si lamid ah, kacdoonada gu’ga carbeed ee ay hor boodayaan Ururka Ikhwaanka.

Istambuul-Turkiya: Go’anka ah inuu xassan ku soo baxo doorashooyinkii bishii ogoosto 2012 -ka ayaa lagu gaaray shirkii ka dhacay Istambuul-Turkiya, (kulan dhex roorsi ah oo ay ka qeybgaleen dowladaha Qadar, Turkiya, xubna ka tirsan Dhiiga-cusub oo ka tagay dalka Qadar, iyo kooxa soomaali ah oo ganacsato u badan oo danahooda ka dhex arkay). Madaxweyne Xassan Sheeikh bilaash laguma dooranin, Qiimaha halkii cod ama Xildhibaan ayaa gaaray 25000 USD.

Guusha Mr Xassan aad baa looga soo dhaweeyay geyiga soomaalida, Sababtoo ah waxaa isku soo beegmay, soomaalida oo daashay islamarkaana dhibsatay wajiyada 2labada shariif iyo Dowlad ku meel gaar ah iyo Dhiiga-Cusub oo isticmaalay kaarka Al-islaax + aqoon’laaan loo qabay Ururka iyo CV-ga Madaxweyne Xassan. Taas waxay keentay in Dhiiga-cusub loogu marxabeeyo si shuruud la’aan ah.

GUNAANAD:KOOXDA DHIIGA-CUSUB (DAMUL-JADIID) WAXAY SHABAHDAA KOOXA BADAN:

Parasitic Capitalism: Dhiiga-Cusub (Damul-jadiid), waa urur Bragmaatik ah,Ra’simaali hantigoosad naxariis daran (Parasitic Capitalism), oo wax walbana ka hormarinaya maslaxadooda dhaqaale, haba yaraatee mana jiro wax xeyndaab ah oo ay ka leexanayaan,- Diin iyo maslaxo dal iyo dad masaakiin ah, sharci umadadeed iyo qaanuun dowli ah toona, Waa koox gacansaar la leh sharikado iyo hantiilayaal caalami ah oo doonaya inay dab saaraan dalka iyo dadka soomaliyeed,

Dhankaas waxaay ka shabahaan Nidaamkii George W. Bush oo malaayiin qof u dilay batrool iyo Naafto, ceebna u soo jiiday dalka mareykanka oo u dhaqmay sida dowlad maafiyo ah, waxaa dhulka galay dhaqaalihii iyo karaamadii mareykanka, sidoo kale dhaqaalihii caalamka. Dhibka intaa la eg ee dunida wada saabtay waxaa u sabab ahaa koox tujaar ah oo ka fikiray dano dhaqale oo u gaar ah. Dhiiga -cusub (Damul-Jadiid), haba tabar darnaado, lakiin waxaa la yiri nimba taagtiisay qodax ugu tagtaaye itaalkooda yar soomaaliyaa dhib ugu fian, Dhiiga-cusub waxuu horinayaa dagaal sokeye si loo gaaro dano dhaqaale iyo awood.

Maafia Dhiiga-cusub (Damul-jadiid, waxay lacago ku kharashgareeyeen sidii loo dili lahaa dad Soomaliyeed, mana aha arin la dhayalsani karo, intii uu socday kulankii magaalada Garbahaarey ee gobola Gedo, waxaay direen 150000 USD, si loo laayo Ergadii Jubaland ee uu hogaaminayay Awlibaax, sidoo kale waxaa jira lacago badan oo gaaray meelo kale oo ay Kismaayo kamid tahay.

Rabshadii lagu beegay 23 febraayo oo ku beegneyd maalinkii uu furmi lahaa Shieweynaha Jubaland, waxaa ku daatay dhiig dad aan waxba galabsanin, sababta loo laayay dadkaas waxay aheyd in lagu gaaro maal iyo Mansab ,dhinacan waxay ka shabahaan Maafiyada caalamiga ah sababtoo ah in qaabka noocan ah wax loo dilo waa astaamaha Maafiyada.

Shabaab:Dhiiga-cusub (Damul-jadiid, sidaan horay u soo sheegnay waa koox ka fallaagowday Ururka Al-islaax, sida Al-shabaab uga falaagowday Ururka Salafiyiinta, sidoo kale waxay aaminsan yihiin qaacidada ay Shabaabku isticmaalaan ee ah: “Wax kasta oo na gaarsiinaya ujeedadayada waa noo xalaal” (The end justifies the means” haba noqoto in la sumeeyo Ceelasha biyaha laga cabo, ama la qarxiyo Arday iyo waalidiin.

Qodobadaas iyo kuwa kaloo lamid ah, sida wadaniyad xumo oo ah in danaha ururka laga hormariyo danaha qaranka, waxay ka shabahaan Alshabaab.

Warlord. Dhiiga-cusub (Damul-jadiid,waxay bilaabeen adeegsiga xeeladihii hore ee qabqablayaasha soomaaliya, dhaqankaas oo ah in magaca qabiilka lagu qaraabto, si loogu gaaro ahdaafta la doonayo, Dhiiga cusub ayaa Odayaasha Muqdisho iyo gobolada qaar ku beer laxawsada kaarka qabiilka si lamid ah, qabqalayaashii soo maray dalka.

Halkaasna waxay ka shabahaan Dagaaloogayaashii hore.

Ugudambeyn: Arinka laga baqayo in kooxdani mustaqbalka ku dhaqaaqdo ayaa ah labo arimood, wa midka hore inay iibiyaan dhulbeereedka u dhaxeeya labada wabi, Gaar ahan dhulbeereedka Jubooyinka iyo Shabeelada hoose, ayna ka iibiyaan sharikado beeraley ah oo ka kala socda daafaha dunida, sida Mareykanka amaba Yurub, inta soo hartana tujaarta Khaliijka, gaar ahaan Qadar.

Arinka labaad ayaa ah, inay wadar ahaan ama guud ahaan u iibsadaan ceelasha Shidaalka soomaaliya, gar ahaan ceelasha Jubaland ee dhaca dhanka xuduuda badda ee aan la wadaagno Kenya, si ula kac ah.

Dhiiga-Cusub : Is weydiinta badan iyo jahawareerka waxaa keenay, inta badan soomalida ma famsana ururkan oo Qaarbaa u haysta Qabiil, qaar kalaa u haysta Urur diimeed, qaarbaa u haysta wadaniyiin, qaarbaa u haysta Cilmaaniyiin, qaarbaa u haysta Dimoqraadiyiin, qaarbaa u haysta dad la doortay, halka qaar kalana waxayba u haystaan in kursiga lacag laga baxshay!!.

Intaba ma qaldana mana saxna, sababtu waxay tahay, manhajka kooxdan ayaa ku dhisan qaacidada ah: Wixii ka hor imanaya danaheena dhaqaale waa xaaraam, wixii waafaqana waa xalaal goolka la higsanayo waa “AWOOD IYO MAAL” Sidaas darteed, marka ay la dagaalamayaan Alshabaab, waxaay isticmaalayaan, kaarka wadaniyadda, hadana waxaad arkeysaa ayagoo isla Shabaabki u adeegsanaya la dagaalanka Jubaland, markana waxaay adeegsanayaan kaarka Qabiilka.

Kooxdan mustaqbalka waxay khatar ku tahay guud ahaan geyiga soomaaliya oo ay ku jiraan gobolada laga taageero.

DAM+JADIID = Economic warlord +Political Islam opportunists

Salaamaad kulli aafaad

Bishar Haji

b.haji114@hotmail.com

Soomaaliya: Siyaasadda Geeska Afrika ee Maanta
Guud ahaan dalalka dunidu waxay leeyihiin dan ee ma leh saaxiib, asii ay danta daleed qeexayso in dalku uu yagleelo saaxiibbo badan oo joogto ah oo danaha lagu gabraarto. Siyaasaddu na waa wixii suurogal ah oo kula gudboon, ma aha wixii aad lexejeclo u qabto ee waa wixii had iyo goor dantu ku jirto, ayada ayaa waddo kuu jeexda ee adigu waddada uma jeexdid. Isla mar ahaantaas na waa hawlaha dawladeed ee la xiriira arrimaha siyaasadeed ee dalalku ay leeyihiin. Dal walba xiriirka uu dal kale la leeyahay waa u siyaasaddiisa gaar ahaaneed ee uu aayihiisa, jiritaankiisa iyo ujeeddooyinkiisa ku furdaamiyo.

Haddaba siyaasadda Soomaaliyeed dhankaas waxaad mooddaa in ay muddo dheer dhantaalnayd oo ay ku dhisaalnayd dan-beel, horraantii burburkii dawladdii dhexe iyo ka dib ba. Ma muuqato dhiirrinaan, garasho iyo dhug loo leeyahay arrimaha adduunweynaha iyo siyaasadaha geyiga Geeska Afrika. Ma muuqato siyaasad xambaarsan danaha guud ee dalka. Waa la dheelliyay intii la liici karay, waa laga maahsanaa isbeddelada dhacayay oo la moogganaa qaab looga miro dhaliyo. Sidaas awgeed Soomaaliya ma yeelan saaxiib joogto ah oo dan siyaasadeed ay la wadaagto. Sidaas darteed siyaasadda Soomaaliyeed waxaa saameeyay jahowareer iyo habow.

Waxaa in muddo ah farogalin ku hayay dalal ay ugu darraayeen Itoobiya iyo Masar. Run ahaantii labadaas dal siyaasadda Soomaaliya dhumuc weyn ayay ku lahaayeen jiritaankeedii. Waxaa labadaas dal dhexaadiyay loollan gahayray oo ku salaysan biyaha webiga Niil. Sidaas awgeed ayay dawladihii is xigay ee Masar ay isku taxalujiyeen in ay Soomaaliya la yeeshaan gacansaar iyo saamayn ay ku fuliyaan danaha Masar. Waxay kaalin weyn Masaaridu ku lahayd dagaalkii ‘77dii ee Soomaaliya ku guuldarraysatay dhan siyaasadeed, militariyeed, dhaqaale iyo sibil ba ee waxyeelladiisii ay teer iyo maanta aloosan tahay.

Farogelintii Itoobiya ku haysay Soomaaliya labaantankii sano ee burburku jiray siyaasad ahaan iskaashigii Masar iyo Soomaaliya ayaa door weyn ku lahaa. Itoobiya waxay ka foojignayd dawlad Soomaaliyeed oo soo celisa xiriirkii militariyeed, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay la lahayd Masar. Kaas oo Itoobiyaanku u arkay khatar ku soo food leh maadaama Masar danayso in ay Itoobiya ku furto furimmo dagaal oo hor leh, gaar ahaan dawlad Soomaaliyeed oo aagga bari colaad kaga soo qaadda. Hankaas siyaasadeed ayuu Soomaaliya ka lahaa madaxweynihii hore ee Masaarida ee Anwar Saadaad markii uu u ololeeyay in Soomaaliya ku biirto ururka Jaammacadda Carabta.

Masaaridu dedaal dheer ayay had iyo goor ugu jirtaan aafaynta Itoobiya. Tusaale ahaan waxaa jira ciidan kumaandoos ah oo ay Masar leedahay oo u tababbaran in ay ka dagaallamaan dhulal hawd iyo dhir miiran ah, taas oo Itoobiya ugu dhigan ciidan loogu talo galay dhulkeeda. Si ay cadaadis Itoobiyaanka u saaraan ayay Masaaridu xiriir dhinacyo badan leh la leedahay dalalka Suudaan iyo Soomaaliya oo labaduba soohdin dheer la wadaaga Itoobiya. Dhawaan waxaa magaalada Qaahira ee xarunta Masar warbaahinta ugu gooddiyay Itoobiya taliye sare oo ka tirsan ciidammada Sucuudi Carabiya, kaas oo si bareer ah oo aan looga baran Sucuudiyiinta ugu hanjabay Itoobiya ku na tilmaamay dal lid ku ah danaha iyo arrimaha dawladaha Carbeed.

Geesta kale dawladda Itoobiya waxay ku hawlan tahay taageero ay ka kasbato reer Galbeedka oo ay u muujiso in ay tahay dal qaddiim ah oo Kiristaan ah oo sabool ah oo ay ku oodan yihiin dalal ay ka jiraan Islaamiisteyaal xagjir ah oo yididdiilo weyn u leh in ay tirtiraan jasiirad Kiristaan ah oo dhexdooda ku taal. Itoobiyaanku waa dadka ugu waddanisan Afrika waxaa na ka jira barnaamijyo taban oo dadweynaha iyo ciidammada lagu baraarujiyo oo ku saabsan dagaalka qabow ee biyaha webiga Niil. Biyaha webiga Niil boqolkiiba sagaashan waxay ka soo gororaan buuraha Itoobiya. Biyuhu Masar waa u nolol oo la’aantood waa baa’ba. Dagaalka qabow ee labada dal wuxuu soo jiray teer iyo 1929dii markii la saxeexay Heshiiskii Niil.

Haddaba dagaalkaas qabow Soomaaliya dheef ugu ma jirto dhan walba, waxaa habboon in dalku gaar ka ahaado siyaasadaha isdiiddan iyo danaha qallafsan ee dalalku ay leeyihiin. Ogsoonaanta iyo u hoggaansanaanta xaqiiqdaasu waa in ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed u lahaato taxaddar weyn oo aan yarayn. Isla mar ahaantaas waa in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay danaha dalka iyo dadka u baadigoobaan qaabka ay siyaasiyiinta dalalka kale ugu heeggan yihiin oo waxtarkooda lagu cabbiro heerarkaas.

Dhawaan ayay ahayd markii Masar ay Muqdisho u soo dirtay wasiirka arrimaha dibedda oo ay ku dhawaaqday iskaashi dheellitiran. Heshiiskaasu waxa uu durba walbahaar ku abuuray madaxda dawladda Itoobiya, waxaa xigay in ciidammadii Itoobiya ee saacidayay ciidammada dawladda Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada Bay iyo Bakool dib-u-gurasho ku dhaqaaqay, sidaas awgeedna ay Shabaab qabsatay Xudur.

Danta siyaasadeed ee uu dal leeyahay waxaa ugu horraysa sugidda soohdimaha iyo xiriirka deriska, taas oo ka horraysa xiriirrada dal ama dalal fog lala yeesho, gaar ahaan marka uu loollan iyo dagaal qabow ka dhexeeyo dal dhaw iyo mid fog. Xodxodashada Masaaridu waa mid dan daleed lagu gabraarto oo aan u roonayn Soomaaliya iyo guud ahaan Geesta Afrika. Mar waa colaad hor leh, mar waa Carabysi iyo saamayn, mar na waa siyaasad gurracan.

Masuuliyiinta Muqdisho waa in ay u dhugyeeshaan tagtadii shalay, waa in ay ka foojignaadaan ujeeddooyinka gurracan iyo dalalka durba meelo fog uga gacan haatiyay oo aan dhib hor leh loo loogin bulshada daashay. Khaas ahaan kuwii shalay ku dhaayaday ba’ii iyo hooggii ummaddu dhexmaquurtay oo ay weli ka soo kabanin. Ma jiraan gacaltooyo iyo gacanqabad ay Masaaridu iyo ururka Jaammacadda Carabtu Soomaaliya tareen oo la taaban karo muddadii burburka, haatan oo ay Soomaaliya cagaheeda ku istaagaysana ma muuqdaan kuwo hor leh, waxaa un muuqata fursad ay dareemeen oo burinayaan, taas oo waxyeello mooyaane faa’iidooyin aan u holladayn dalka iyo dadka.

Mahad Kooshin

Mahadkooshin@hotmail.com