allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
“Author Archive”
Stories written by admin

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo War murtiyeed kulul soo saaray (Akhriso)

War murtiyeedka oo ka koobnaa 8 qodob ayaa ugu horeyn looga tacsiyadeeyay umadda Soomaaliyed qaraxii ay dadka badan ku dhinteen 14-kii bishan, sidoo kale waxaa mahad celin loogu jeediyay umadda Soomaaliyeed, hey’adaha iyo dalalka ka qeyb qaatay gurmadka qaran ee loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay qaraxaas. Sidoo kale War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda […]

October 21st, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Wasiirka Amniga oo ka hadlay halka uu maraayo baaritaanka Qaraxii Zoobe

Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muddo Seddex cisho ah laga sugayaa inay soo bandhigto natiijada horudhaca ah ee baaritaanka weerarkii argagaxiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho 14kii bishan. Dowlada Federaalka oo kaashaneysa Sirdoonka reer galbeedka ee ka howlgala Somalia, ayaa lagu wadaa in mar qura ay si wada jira u shaaciyaan macluumaadka ku aadan […]

October 21st, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

KHAATUMO oo ku biirtay Soomaaliland, Aqriso Qodobada Heshiiska

Maamullada Somaliland iyo Khaatumo ayaa mar kale waxay kala saxiixdeen heshiis ka kooban dhowr qodob, kaasi oo daba socda heshiisyadii ka dhacay Jabuuti iyo Hargeysa. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo saxaafadda la hadlay ayaa akhriyey qodobada ay Labada dhinac ku heshiiyeen, waxaana heshiiskaan dhanka Somaliland u saxiixay Madaxweyne Siilaanyo Qodobada lagu heshiiyey: […]

October 21st, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

ITOOBIYA oo gargaar daawo ah soo gaarsiisay Magaalada Muqdisho, Daawo Sawirada

Diyaarad Militari oo ay leedahay Dowladda Ethiopia,islamarkaana sida gargaar caafimaad ayaa maanta oo jimco ah ka soo degtay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho. Gargaarka caafimaadka ee ka yimid xukuumadda Adis-ababa ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay caawinta dhibanayaasha Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Garoonka […]

October 20th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

October 21, 48 Sano Kadib Baarlamaankii Uu Maxamed Siyaad Laalay, Bal Maxamed Farmaajo Muxuu Ku Dhihi-doonaa?

Berri oo Sabti ah, waa munaasabadda xuska inqilaabkii 1969kii , kaas uu Maxamed Siyaad Barre ka geytay Soomaaliya, maalintaas Siyaad Barre waxaa uu ka sameeyay afgambi taariikhi ah, waxaa uu dalka kula wareegay qaab aan dhiig ku-daadan, isaga oo laalay sharciyadda dalka sida Dastuurka, waxaa uu kala diray dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida […]

October 20th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

DHAGEYSO Ra’iisal Wasaare Kheyre: Sabtiga Dalku Wuxuu Gali Doonaa Xaalad Dagaal

Ra’isulwasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqday in wixi ka danbeeya Sabtida birrito ah uu dalka geli doono xaalad dagaal. Arrintan ayaa loo arkaa mid ay Dowlada uga jawaabi doonto qarraxi ay dadka badani ku dhamaadeen ee 14-ki bishaan October lagu weeraray magaalada Muqdisho. Faa-faahinta warkaan waxaa haya Nur Bukhaari.

October 20th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO oo warqad u diray labada Aqal ee soomaaliya

October 19th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Guddi Cusub oo Taakuleyn Magacaabay [Akhriso Magacyada]

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi cusub oo la magac baxay Guddiga Taakuleynta iyo Tabarrucaada Qaranka. Guddigan ayaa laga soo xulay ururrada bulshada iyo shaqsiyaad hormuud u ahaa NGO-yada iyo culimo, kuwaasoo qaabilsan ururinta lacagaha loogu deeqayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho. Xubnaha Guddiga waxa ay kala yihiin: 1. Cabdullaahi Maxamed […]

October 19th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Talyaaniga oo dhaqaale ku deeqay Qoysaskii dadkooda ku waayay Qaraxii degaanka Zoope ee dadka badan ku dhinteen

Dowladda Talyaaniga ayaa lacag dhan 300,000 oo Euro ugu deeqday Soomaaliya si wax looga qabto dadka waxyeelada ay ka soo gaartay Qaraxii wuxuushnimada ay kooxda Argagixisada Al-Shabaab ka geysteen 14-kii bishan Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Talyaaniga Angelino Alfano oo ka hadlay muhiimada deeqdaan lacageed ayaa carabka ku adkeeyay in wax […]

October 19th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

DHAGEYSO:Cumar C/rashiid” Waa la qabaa Madaxweynaha in meel loogu soo wada jeesto Al Shabaab

Madxweynaha Soomaaliya oo galabta la hadlayay banaanbaxayaal isugu soo baxay magaalada Muqdisho ayaa dhinaca kale fariin u diray siyaasiyiin uu sheegay inay dalal shisheeye xiriir la leeyihiin. Fariintaas ayaa madaxweynaha waxa uu ku yiri “waxaa la joogaa waqtigii aan siyaasadda meel iska dhigi laheyn oo aan gacmaha isqabsan laheyn.” Inkastoo uusan madaxweynaha carabaabin magac, hadana […]

October 19th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Recently Commented