FARMAAJO, KHEYRE IYO FAHAD oo Markii albaab walba garaceen Roobow ka adkaan waayan ayay u weecdan dhanka sharciga

0
161

Ra”iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo kusimaha NISA Fahad Yasin ayaa ku amray xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Dahir in uu ku soo rogo dacwad ka dhan ah Mukhtaar Roobow taasoo lagu maxkamadeyn doono dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne.

Sida ay Newsomali u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa lagu wadaa in dacwada ay soo baxdo maalmaha soo socdo.

Roobow ayaa shacabiyad badan haysta sidaas darteed Dowladda waxay ka welwelaysa haddii Roobow galo Doorashada in laga adkaan doono Musharax lacagta badan gelisay Dowladda.

Go’aanka oo lagu gaaray shir deg deg ah oo ay wadayeesheen MW. Farmaajo RW. Kheyre & Fahad Yaasiin aya waxaa looga yeeray Villa Somalia Xeer Ilaaliyaha laguna wargeliyayin in uu dedejiyo dacwada ka dhanka ah Mukhtaar Roobow.