KHEYRE IYO FAHAD oo xalay kulan saacado badan qaatay la yeeshay Guddoomiye Mursal, Yaa xogta Jabuuti ee Mursal ku aadan soo gudbiyay, Khilaafka oo weji kale yeeshay

0
704

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra;iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Taliyaha KMG ah ee Nabad sugidda Qaranka Fahad Yaasiin oo dadka badankiisa u yaqaanan milkiilaha Dowladda Soomaaliya ayaa xalay kulan saacado badan qaatay la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal oo maalmahan kooxihii soo dhistay gadood siyaasadeed ka ah.

Kulankan oo daba socday kulamo habeen hore ka dhacay Muqdisho oo Farmaajo, Kheyre iyo Mursal dhex maray kuwaas oo wax natiijo ah laga gaarin ayaa warar soo baxaya waxay sheegayan inaan wax horumar ah laga gaarin xalinta Khilaafka u dhaxeeya Mursal oo dhinac ah iyo Farmaajo, Kheyre oo wada socda.
Fahad Yaasiin ayaa uga abaal sheegtay Mursal kursiga uu ku fadhiyo oo ah Afhayeenka Baarlamaanka, halka Xasan Kheyre Mursal ku yiri dhibka iyo eeda aan madaxaga u soo marnay waa inaad lala garataa.
Mursal ayaa ka dhib sheegtay Fahad, Farmaajo qaabkii ay ula dhaqmeen Saaxiibkii Jaamac oo taliye kuxigeen nabad sugida ahaa kaas oo si qaab daro ah meesha looga eriyay, waxaa kaloo Mursal sheegtay inaan laga qeybgalin talada dalka, qaabka magacabista xilalka, awood qeybsiga 4.5 oo Mursal sheegay in lagu tuntay,arrinta Baydhabo oo Mursal sheegay in qaabkii markii hore ku heshiiyan looga baxay iyo in dadkiisa laga horkeenay.

Kheyre iyo Fahad ayaa Mursal u ballan qaaday lacago, halka Farmaajo dalbaday in mooshin hal maalin qaata laga keeno, waxaana jira heshiis dhex maray Farmaajo, Muudey iyo Mahad Cawad kaas oo ka dhan ah Maxamed Mursal.

Nabad iyo Nolol ayaa joogtanka Mursal ku xiray oo keliya doorashada koonfurgalbeed, waayo waxay ogaadan in Mursal uu ka mid yahay Xisbiga Sh Shariif Sh Axmed oo dhawaan lagu dhawaaqi doona kaas oo abaabulkiisa ay iska leedahay Dowladda Jabuuti.

Mursal oo ka mid ah kooxda Shariif Sh Axmed ayaa Nabad iyo nolol u aragti inuu halis ku yahay dib doorashada Farmaajo 2021 markaas oo Farmaajo ku fikirayo in hal xisbi doorashada ku galaan.

Farmaajo waxaa ku soo wargeliyay qorshaha Jabuuti, Madaxweynaha Ereteriya kaas oo ogaaday in Jabuuti maalgelinayso isla markaana siyaasad ahaan taageersan yihiin Shariif Sh Axmed.

Si kastaba kulankii xalay ayaa labada dhinac wax horumar ah ka gaarin waxaana sii xumaanaya xiriirka u dhaxeeya Mursal,Farmaajo iyo Kheyre.