FAHAD YAASIIN oo Wiil eedadiisa qaba u magacabay Maamulka Maaliyadda NISA, Yaa dhalay, Farmaajo maxay isku yihiin, London maxaa ku qabsaday, Warbixin

0
152

Agaasime KMG ee NISA Fahad Yasin ayaa si Musuqmaasuq Xilkii Maamulka Maaliyada NISA ugu Magacaabay Wiilka uu Eedadiis qabo ee Guuleed Axmed Faarax Cali Idaajaa kana mid ahaa rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayan Kooxda Aragagixisada ee Al-shabaab Xilligii uu ku sugnaa Dalka Ingiriiska.

Guuleed Idaajaa oo dhanka kale ay isku beel yihiin Farmaajo uuna Aabe u yahay qoraaga caanka ah ee Axmed Faarax Cali Idaajaa ayaa xilligii uu deganaa Dalka Ingiriiska Waxa ay Booliska Dalkaasi ku soo oogeen Dambiyo kala duwan ay ka mid yihiin inuu ka tirsan yahay Koxda Al Shabaab iyadoo Maxkamadi ku xukuntay Xarig markii la soo daayeyna lagu amray inuusan Dalka Ingiriiska ka bixi karin waxaana lugta looga xiray qalab lagula soconaayo Dhaqdhaqaaqiisa oo loo yaqaan (Criminal Tag) balse Muddo kadib laga furay Markii uu u dhamaaday Xukunkii.
Xilka Maaliyada NISA ayuu haaya Muddo dhawr Bilood isaga oo degan Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho, waxaana dad badan ay la yaaban yihiin sida loogu aamini karo shaqsi Taageersan Al-shabaab .

Saraakiisha NISA xilligan ayaa waxaa u badan dad horey uga mid ahaan jireen dagaalyahanada al shabaab halka kuwa kale laga soo buuxiyay kuwaas oo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo inta badan laga keenay Dibadda.

Dadka kula tukan jiray Masaajidka Al- Raxma ee Xaafada Small Heith ee Wadada Coventry Road ayaa ka shakiyey Guuleed Idaajaa markii la soo daayey, iyagoo ka cabsi qabay in uu noqday Jaajuus u shaqeeya Dawladda Ingiriiska, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin in hawshaa uu qaban jiray

Fahad Yasin ayaa dhawaan dacwad uu ka gudbiyey Agaasime ku xigeenkii NISA Cabdalla Cabdalla ku sheegay inuu ka tirsan yahay Argagixisada Al shabaab uuna haayo Cadeymo muujinaaya arinkaasi.

Hayadda NISA ayaa la sheegaa tan iyo markii uu xilka Agaasime ku xigeenka loo Magacaabay Fahad Yasin ay dalal kala duwan oo xogta la wadaagi jiray NISA ay joojiyeen shaki ay ka qabaan Fahad Yasin awgii.