SIDA LA ISKU DABA Mariyay Mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidamada oo Ceeb ka taagan, (Cadeymaha Halkan ka aqriso)

0
150

Miisaaniyadda dowladda federaalka ay u gudbisay beesha caalamka, balse aanan lala wadaagin hay’adaha leh korjoogteynta iyo la xisaabtanka dowladda .

Sida aad ku aragtid bogaga 13 iyo 14. Waxaa ka qoran mushahaarka bilaha Abriil, May iyo Juun ee sanadkan 2018. Sida shaxda ka muuqato labada gole waxay qaateen boqolkiiba boqol mushaharkooda si aanay u bilaabin qeylo dhaan iyo la xisaabtan.

Hay’ado yar yar ayaa sidoo kale waxay heleen 100%, sida hanti dhowrka & la taliyaasha RW Kheyre. Isku soo duub waxaa isku celcelis mushaar ahaan loo bixiyey seddexdaas bilood %69.6 boqolkiiba. Taasi waxay beenisay in mushaharka dhammaan hay’adaha dowladda bil walba la bixiyey.

Musuq maasuqa Xukuumadda Ra’iisal Wsaaare Xasan Kheyre oo markii banaanka soo baxay sababay guddigii Maaliyadda Warbixinta soo diyaariyay gooni banaanka loogu riixay ayaa haatan maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo baxaya fadeexooyin ku saabsan sidii loo isticmaalay lacagta dowladda.