Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo Baaq iyo qeylo dhaan ka soo saaray Ciidamo laga dejiyay Baydhabo

0
65

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah oo laga soo doortay Koofur Galbeed ayaa qeyla dhaan ka soo saaray Ciidamo maanta laga dejiyay magaalada Baydhabo, kuwaasoo laga diray magaalada Muqdisho.
Xildhibaano uu hormuud u yahay Sheekh Aadan Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa sheegay in ciidamadan la keenay Baydhabo ay halis ku yihiin amniga, isagoo ugu baaqay dowladda federaalka inay dib u celiso.

“Waleeg dowladda Federaalka labo askari xataa uma soo dirin, maanta oo doorasho nabadgelyo ku socoto ay ka dhaceyso miyaa ciidan loo soo dirayaa, Cadawga ciidan looma soo dirin, shacabka ayaa ciidamo loo soo diray waa arrin is weydiin mudan”ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda in aysan dalka cuqubo ka gelin oo aanay gacantooda ku dimin, isagoo xusay inay ka soo horjeedaan in wax lagu qasbay shacabka in la sameeyo.

Ciidamo Diyaarad looga qaaday Muqdisho ayaa   maanta laga dejiyay Baydhabo, si ay xoog ugu adeegsadaan doorashada si Musharax Farmaajo wata loo soo saaro.