Indha Qarshe oo iska fogeeyay lacagta cadaanka (CASH) ee bilkasta lagu soo qaado magaca howlgalka ciidanka, sheegayna in uu amarkeeda bixiyay Madaxweyne Farmaajo

0
149

Labo asbuuc ka hor aya qoraal ay soo direen wadamadda taakuleeya ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed looga codsaday in Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) in uu cadeeyo habka ay ku baxdo lacagta bilkasta laga soo saaro Bangiga Dhexe iyada oo cadaan (CASH) iyo qaabka loo isticmaalo.

Taliye Indha Qarshe oo asbuucii hore ku sugnaa magaalada Neyroobi ee dalka Kenya aya kulan uu la qaatay beesha caalamka ku sheegay in uusan waxba kala socon qaabka lacagta loo bixiyo iyo xisaab-celinteedaba. Indha Qarshe aya yiri “aniga waxaan u imid wasaaradda iyada oo bilkastaa $1.3 Milyan oo doolar cadaan ah laga soo qaado Bangiga Dhexe taas oo lagu sheego in ay tahay lacag loogu talagalay howlgalka ciidanka” waxa uu intaa ku daray “ markii aan weydiiyayna sababta boorso loogu soo qaado lacag intaa la’eg waxa la ii sheegay in MW Farmaajo uu amarka bixiyay”.

Iyada oo la raacayo amar uu bixiyay Madaxweyne Farmaajo aya waxa la faray gudoonka Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda in bil-kastaa la bixiyo lacag gaareysa $1.3 Milyan oo boorso looga soo qaado Bangiga Dhexe. Lacagtaas ayaa lagu sheegay in lagu wareejiyo hay’ad gaar loo leeyahay oo la sheegay in ay ku guuyleysatay in ay kaabto ciidanka.

Sida ku xusan sharuucda bixinta lacagaha ee dowladda Fedaraalka aya ah hadii ay dowladda Soomaaliya dooneyso in shirkad ku wareejiso mashaariic ay marto qaabka tartarka hufan (tartanka iibka qaranka) ee mashaariicda laakiin lacagta howgalka ciidanka lagu sheegay aya waxa ka soo qaada Bangiga Dhexe saraakiil uu magacaawday MW Farmaajo kuwaas oo sheegay in lacagtaas ciidanka lagu taaguleeyo.

Sarkaal sare oo katirsan qeybta saadka ee Wasaaaradda Gaashaandhiga aya u sheegay MOL in lacagta qeyb ka mida oo lagu qiyaasay $300,000 loo iticmaalo abaabulka ciidanka inta ka soo harteyna uu maamulo Taliye ku Xigeenka Hay’adda Nabad Sugida Qaranka (NISA) Fahad Yasin. Bishii hore 18 keedii ayuu Taliye Indho Qarshe isku dayay in uu joojiyo boobka hantida ciidanka laakiin waxaa amar cusub bixiyay MW Farmaajo oo amray in bixinta lacagtaas dib loo bilaabo lana joogteeyo.

Waxa si xoowli ah ku socda boobka hantida qaranka oo uu hogaanka u hayo MW Farmaajo. Iyada oo ciidanka baahi u dhimanayo ayaa magacooda lacag lagu soo qadaa taas oo loo adeegsado dano gaar ah. Waxaa lama huraan ah in Baarlamaanka Soomaaliya uu sameeyo dabagal iyo baaritaan kaas oo shacabka loogu soo bandhigayo cida lacagtaas soo qaada, shirkadda la sheegayin in lacagta lagu wareejiyo, meesha ay ku baxdo iyo amarkeeda cida bixisay. Maanta ayaa ay ahayd markii Wasiirka Maaliyadda isku dayay in Baarlamaanka si indho sarcaad ah lagu marsiiyo miisaaniyadda dowladda laakiin xildhibaanadda baarlamaanka ayaa si cad uga horyimid qorshaha gurancan ee dowladda.