Waayihii murugada iyo farxadda ee siyaasadda Shariif Xasan

0
71

Dad fara badan oo la socda Siyaasadda Soomaaliya waxay yaqaannaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, mararka qaarna waxaa la yiraahdaa waa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu xariifsan, balse hadda su’aasha la is weydiinayo ayaa ah ‘ma soo idlaadeen waayihiisii?

Shariif Xasan, oo sannadkii 1946-kii ku dhashay degmada Bardaale ee gobolka Baay, wuxuu ahaa nin ganacsade ah oo aysan dad badan aqoon u lahayn wixii ka horreeyay sannadkii 2004-tii.

Wuxuu ahaa qof saameyn aad u ballaaran ku leh siyaasadda Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan, isagoo soo qabtay jagooyin kala ah xildhibaannimo, guddoomiye baarlamaan iyo Wasiir.

Waxaa jiray guulo siyaasadeed oo uu gaaray Shariif Xasan, sidoo kalena waxaa jiray culeysyo soo food saaray iyo guul darrooyin uu kala kulmay siyaasadda.

Laakiin wuxuu ku caan baxay inuu ahaa siyaasi rogaal celis badan oo saldhigna u ahaa muranno siyaasadeed iyo khilaafyo ka dhex jiray maamulladii uu ka tirsanaa.
Billowga waayihii siyaasadeed ee Shariif Xasan

Markii ugu horreysay ee uu saaxafada Siyaasadda Soomaaliya ku soo biiray Shariif Xasan, isla markaana ay shacabka ku baraarugeen magaciisa waxaya ahayd 15-kii bishii Siteembar ee sannadkii 2004-tii, waxaana markaas loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya.

Wuxuu xilkaas ka qabtay dowladdii ka koobneyd xukuumadda iyo golaha baarlamaanka KMG ee lagu soo dhisay shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay dalka Kenya.

Halkaas waxaa Shariif Xasan Sheekh Aadan uga billowday waayihiisii farxadda lahaa ee Siyaasadda, hase ahaatee durba waxaa soo if baxay is qabqabsi uu isagu ka mid ahaa dadka saldhigga u ah.
Billowga waayihii siyaasadeed ee Shariif Xasan

Markii ugu horreysay ee uu saaxafada Siyaasadda Soomaaliya ku soo biiray Shariif Xasan, isla markaana ay shacabka ku baraarugeen magaciisa waxaya ahayd 15-kii bishii Siteembar ee sannadkii 2004-tii, waxaana markaas loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya.

Wuxuu xilkaas ka qabtay dowladdii ka koobneyd xukuumadda iyo golaha baarlamaanka KMG ee lagu soo dhisay shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay dalka Kenya.

Halkaas waxaa Shariif Xasan Sheekh Aadan uga billowday waayihiisii farxadda lahaa ee Siyaasadda, hase ahaatee durba waxaa soo if baxay is qabqabsi uu isagu ka mid ahaa dadka saldhigga u ah.
Khilaafkii ugu horreeyay ee uu ku lug lahaa Shariif Xasan

Dowladdii KMG ahayd ee lagu dhisay Kenya oo xilligaas wali saldhiggeeda uu ahaa magaalada Nairobi ayuu khilaaf ka dhex billowday madaxweynihii xilligaas AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyihii baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Murankaas qodobadii uu ka taagnaa waxaa ugu weyneyd halka ay dowladdu saldhigga ka dhiganeyso marka ay u guurto Soomaaliya, wakhtigaasoo magaalo madaxda Muqdisho ay gacanta ku hayeen hogaamiye kooxeedyo hubeysan.

Ugu dambeyn wuxuu khilaafkaasi ku biyo shubtay in dowladdu ay u kala qeybsanto 2 garab oo kala ah xukuumadda iyo qaar ka mid ah xildhibaannada oo isku dhinac ah iyo garabka kale oo ka koobnaa tiro xildhibaanno ah oo uu hogaaminayay guddoomiye Shariif Xasan.

Ilaa bartamihii sannadkii 2005-tii, dowladda KMG, ee lagu dhisay Kenya sannadkii ka horreeyay, ayaa ku sugneyd Nairobi mana u suurta galin iney maareyso sidii ay dalkeeda ugu wareegi lahayd.

11-kii bishii Meey ayuu madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf isugu yeeray kulan baarlamaani ah oo ay ka qeyb galeen in ka badan 150 xildhibaan, kaasoo uu ka maqnaa guddoomiye Shariif, balse uu shir guddooominayay ku xigeenkiisa oo xilligaas ahaa xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Shirkaas ayaa lagu go’aamiyay in dowladda ay wada dagto magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar, laakiin waxaa natiijada ka soo baxday kalfadhigaas qaaddacay guddoomiye Shariif Xasan.
Xal u raadintii khilaafka Shariif Xasan iyo Cabdullaahi Yuusuf

In muddo ahba Shariif Xasan wuxuu siyaasad ahaan ka hor jeeday dowladda uu hogaaminayay Cabdullaahi Yuusuf, isagoo ka biyo diiday go’aankii saldhigashada dowladda ee magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar iyo hannaanka faragalinta ciidamada dalalka dariska ah.

Labadii garab ee uu khilaafka u dhexeeyay ayaa kala dagay magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho, ka dib markii uu Shariif Xasan gacan saar la sameystay hogaamiye kooxeedyadii wakhtigaas awoodda ku lahaa magaalo madaxda Soomaaliya.

Dadaallo badan ayaa loo sameeyay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa labada dhinac, khilaafkana loo soo af jari lahaa.

5-tii bishii Janaayo ee sannadkii 2006-dii ayay Shariif Xasan iyo Cabdullaahi Yuusuf heshiis ku gaareen magaalada Cadan ee dalka Yemen, ka dib markii ay dadaal dheer dowladdii madaxweyne Saalax ku bixisay in miiska la isugu keeno.

Ugu dambeyntiina heshiiskaas ayaa horseeday in dowladda ay si wada jir ah fariisin uga dhigato magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Muddo yar ka dib waxaa mar kale soo laba kacleeyay khilaafkii guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo madaxweynihii dowladda KMG ahayd Cabdullaahi Yuusuf.

17-kii bishii Janaayo ee sannadkii 2007-dii ayey xildhibaannada baarlamaanka codka kalsoonida kala noqdeen guddoomiyaha, wuxuuna halkaas Shariif Xasan ku waayay xilkiisii, inkastoo uu ku gacan seyray go’aankaas, uuna ku dhawaaqay baarlamaan xor ah oo uu hogaamiye u ahaa.

Wuxuu dagaal xooggan oo siyaasadeed la galay afhayeenkii baarlamaanka ee isaga lagu baddalay Aadan Madoobe.

Sidii uu Shariif Xasan ugu soo noqday dhabaha siyaasadda

Bishii Siteembar ee sannadkii 2007-dii, shir ka dhacay magaalada Asmara ee waddanka Eritrea ayuu Shariif Xasan heshiis kula saxiixday guddoomiyihii ururka maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

20-kii bishii Febraayo, Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee xukuumaddii raysul wasaare Cumar Cabdirashiid, taasoo madaxweyne uu ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Intii uu xukuumadda ka tirsanaa, Shariif Xasan wuxuu, sida muuqatay, mar walba “maanka ku hayay sidii uu ku heli lahaa mid ka mid ah xilalka ugu sarreeya ee Soomaaliya”.
Dib u hanashadii xilka guddoomiyaha Baarlamaanka

Isagoo wasiir ah ayuu olole baaxad leh u galay rabitaankiisii ku aadanaa inuu noqdo afhayeenka baarlamaanka.

25-kii bishii Meey ee sannadkii 2010-kii ayaa olole dheer ka dib mar kale xilka guddoomiyaha baarlamaanka loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa jiray khilaafyo badan oo ku soo noqnoqonayay hogaanka sare ee dowladda iyo xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale guddoomiyaha Baarlamaanka.

19-kii bishii Juun ee sannadkii 2011-kii, ayuu xilka iska casilay ra’iisul wasaarihii xukuumadda KMG ee Soomaaliya, oo xilligaas ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (Madaxweynaha dowladda federaalka ee maanta).

Farmaajo ayaa xilka ku waayay cadaadis xoog leh oo la saaray, kaasoo sida la sheego uu gacan ku lahaa guddoomiyihii baarlamaanka ee xilligaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

20-kii bishii Agoosto ee sannadkii 2012-kii ayuu soo idlaatay waayihii Shariif Xasan ee hogaanka baarlamaanka, ka dib markii ay Soomaaliya u bislaatay iney ka baxdo nidaamka kumeelgaarnimada.

Koonfur Galbeed: Isbadalkii siyaasadeed ee Shariif Xasan

Dadaallo siyaasadeed oo xoog leh ayuu Shariif Xasan u galay sidii uu qeyb uga noqon lahaa nidaamka federaalka Soomaaliya, isagoo xaalado adag u wajahay sidii uu ku hanan lahaa maamulka gobolka uu ka soo jeedo ee Koonfur Galbeed.

Isqabqabsi siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo iska soo hor jeeda ka dib, 17-kii bishii Nofeembar ee sannadkii 2014-kii ayaa Shariif Xasan loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Muddo ka dib waxaa soo if baxay is-mari-waa siyaasadeed oo u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Is casilaaddii Shariif Xasan

Waxaa sii xoogeystay muranka siyaasadeed ee dowlad goboleedyada iyo xukuumadda federaalka, kaasoo marxalado kala duwan soo maray.

Waxaa isbahaysi sameystay madaxda maamul goboleedyada oo markii dambe awooddoodu ay daciiftay.

7-dii bishan Nofeembar ayuu Shariif Xasan ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii madaxweynaha Koonfur Galbeed, xilli ay ku soo fool lahayd doorashada madaxweynaha oo lagu ballansanyahay 17-ka isla bishan.

Wuxuu sheegay inuu ka haray doorashadaas, isagoo go’aankiisana ku micneeyay mid ka dhashay cadaadis siyaasadeed oo ka yimid faragalin uu dowladda dhexe ku eedeeyay iney ku heyso hannaanka siyaasadeed iyo doorashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Su’aasha dad badan maskaxdooda ka guuxeysa, jawaabtana u baahan ayaa ah; “Xariifkii siyaasadda Soomaaliya ma u dhamaatay hadda”?

BBC-da ayaa iskudayo fara badan u sameysay iney su’aashaas weydiiso Shariif Xasan oo hadda ku sugan magaalada Nairobi, hase ahaatee ma suurta galin inaan helno.