FARMAAJO oo Mursal ku amray inuu Abuu Mansuur ka joojiyo doorashada Koonfurgalbeed iyo C/qaadir Sheekune oo looga digay inuu aqbalo qorshaha Farmaajo

0
96

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aaminsan in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo loo yaqaano Abuu Mansuur uu yahay qofka keliya halis gelin kara qorshihiisa ku doonayo in C/casiis Lafta Gareen Madaxweyne ka noqdo Koonfurgalbeed sidaas darteed waxaa uu durba bilaabay inuu u yeero Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxxamed Mursal si ugu shaqeeyo in Roobow ka haro doorashadda Koonfurgalbeed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxxamed Mursal oo ah nin aan wax awood ah ku lahayn Federaalka balse maqaar saar ah ayaa fariinta gaarsiiyay maanta mar uu telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha Madaxweynaha Koonfurgalbeed C/qaadir Sheekuna.

Farmaajo waxaa uu aaminsan yahay lacag kasta oo ay bixiyan in Roobow ka adkaan karo maadama Roobow laga aaminsan yahay degaanka isla markaana ka dhashay mid ka mid ah beelaha awooda badan ee dega Baay.

Qodob ku jiray heshiiskii Shariif Xasan isku casilay ayaa dhigayay in doorashada si wada jir ah ugu shaqeyn doonaan Baarlamaanka Koonfurgalbeed iyo Wasaaradda arrimaha Gudaha Federaalka, arrintaas oo shaki badan abuurtay.

Golaha is bedel doonka ayaa iyagana ka digay inaan laga laaban karin Musharixiintii hore isku diiwaan gelisay ee helay shahaadada doorashada.