SAFIIR Itoobiyan ah oo ehel yihiin Kheyre ayaa looga digay faragelin inuu ku sameeyo doorashada Koonfurgalbeed

0
144

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaludin Mustafa Cumar oo looga digay in u faraha kala baxo Doorashada Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaludin Mustafa Cumar aya waxa uu si toosa faragalin uga hayaa doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Jamaludin oo ay ehel yihiin Ra’iisal Wasaare Kheyre aya ku mashuulsan sidii uu suuragalin lahaa qorshaha Farmaajo iyo Kheyre.

Ka dib shir albaabada u xiran yihiin uu Jamaludin la qaatay qaar ka mida madaxda dowladda Fedaraalka ayuu waxa uu bilaabay in uu si toosa ula xariiro saraakiisha ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaaladda Baydhabo isaga oo ku wargalinaya in ay ka soo horjeestaan maamulka Sharif Xassan.

Jamaludin oo mushaar ka qaata xafiiska Ra’iisal Wasaaraha aya magaladda Muqadishu looga yaqaan “Safiirka Ganacsiga” isaga oo ku ganacsata magaca Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay magaaladda Muqadishu.

Xildhibaanadda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay ugana digay Jamaludin Mustafa Cumar in uu faraha kala baxo Doorashada Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed. Waxaana ay sheegeen in uu isaga uu qaadayo wixii mas’uuliyad ah hadii dagaal sokeeye uu ka dhaca deegaankaas.