FARMAAJO:Caruurta waxba ma dhaamo, Caqli badbaadiyana ma laha, kuwa ku wareegsan Ceel ayay ku sii ridayaan

0
143

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhexda ka taagan mowjado siyaasadeed oo is diidan isagoo ku rafanaya xaalado ka tan badan joogiisa iyo hoggaankiisa, wuxuuna u bareeray inuu faraha la galo badweyn aan la ogeyn waxaa lagala soo bixi karo.

Maalintii la doortay ilaa iyo maanta marna lugaha kalama bixin khilaaf iyo muran siyaasadeed, sidaas darteed wax waayo aragnimo ah kama uusan helin dhibaatooyinkii uu soo maray.

Waxaa hadaba la is weydiinaya waxay tahay Farmaajo miyuusan haysanin lataliyaal khibrad badan mise Caruurta Nabad iyo nolol ayuu ka tala qaataa.

Dagaal aan gabasho lahayn ayuu Farmaajo ku qaaday Koonfurgalbeed, colaada uu u haayo Shariif Xasan waxay soo bilaabatay waqtigii uu ahaa Ra”iisal Wasaaraha KMG ah Dowladdii Sh Shariif halka markaas Shariif Xasan uu ahaa afhayeenkii Baarlamaanka, is qabqabsigii labada nin waxaa uu sababay in Farmaajo is casilo oo xukunka ka dego.

Maalintaas ilaa iyo maanta aynu joogno Farmaajo marna ma ilaabin colaada uu u qabo Shariif Xasan.

Hase yeeshe xilligan oo uu dalka madaxweyne ka yahay waxay ahayd inuu noqdo oday waaya arag ah oo umadda badbaadiya hase yeeshe waxaa uu u dhaqmaya Farmaajo sidii dagaal ooge aan wax dan ah ka lahayn qaranimada Soomaaliya.

Farmaajo waxa uu adeegsanaya lacagta uu ka helay Dowladda Qadar taas oo lagu burburinayo dhamaan Maamul Goboleedyada dalka, waana mida u sahashay inuu dagaal walba faraha la galo.

Haatan Farmaajo wuxuu u dhaqmayaa sidii Caruur yar yar oo ku caqli ah waxa ay maalintaas cunayaan.

Magaalada Muqdisho ayuu geystay ku dhawaad 60 Xildhibaan oo Baarlamaanka Koonfurgalbeed ka tirsan, waxaa uu siiyay lacag kadibna waxaa uu seexiyay mid ka mid ah Hotelada Xamar wuxuuna ugu talagalay in maalinta doorashada diyaarad kaga qaado Xamar kadibna Baydhabo geeyo si ay codka u siiyan ninka uu soo xushaday ee lagu magacabo C/casiis Lafta Gareen.

Laaluusha uu bixinayo Farmaajo cidna daah kama saarna, beesha Caalamka iyo Soomaalida waa u jeedan sidaas darteed hab dhaqanka Farmaajo waxaa uu dalkan u horseedi doona rabshado siyaasadeed oo aan la ogeyn meesha ay ku dhamaan doonaan.

Dad badan ayaa aaminsan Farmaajo inay qarka ka tuurayan dhalinyaro yar yar oo odayga ku wareegsan kuwaas oo u diiday in fursad u helo bal inuu maalin dhageysto dareenka dadweynaha.