DAAWO VIDEO:Odayaasha Koonfurgalbeed oo ku dhawaaqay in dib loo dhigay Doorashadii, Bayaan ka soo baxay Odayaasha Daawo

0
532

Odayaasha dhaqanka Koonfurgalbeed oo leh go’aanka kama dambeyska ah sharciyada Maamulka Koonfurgalbeed waxay soo saaran in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas kadib markii ay ku eedeyan Dowladda Federaalka inay faragelin ku hayso doorashada isla markaana aanu jirin xasilooni doorasho lagu qaban karo.

Hadaba Bayaan ka soo baxay odayaasha dhaqanka oo ah halka kama dambeyska ah ee loo noqonayo marka la is qabsado ayaa waxaa uu ku soo aaday maalin kadib markii Guddigii doorashada Koonfurgalbeed is casileen sababo ay ku sheegeen in faragelin toos ah uga timid Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qarash xoogan ku bixiyay ololaha doorashada Koonfurgalbeed isagoo doonaya in la soo doorto Musharax isaga wata oo lagu magacabo C/casiis Lafta Gareen.