Gobol Faransiiska ka tirsan oo xornimo diiday

0
87

Codbixiyeyaasha dhulka New Caledonia ee dalka Faransiiska ayaa diiday afti lagu doonayay madax bannaani.

Natiijada codaynta ayaa muujinaysa in 56.4% ka mid ah dadkii codeeyay ay go’aansadeen in ay ka sii mid ahaadaan Faransiiska, halka 43.6% ay u codeeyeen in ay xoroobaan, waana natiijo isu dhaw marka la fiiriyo saadaalintii horay loo sameeyay.

Dadka codadkooda dhiibtay ayaa ahaa ku dhawaad 81%, codayntan ayaa la ballan qaaday 1988, markaas oo la galay heshiis lagu soo afjaray rabshadihii lagu dalbanayay madaxbannaanida.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in ay muujinayso kalsoonida lagu qabo jamhuuriyadda Faransiiska.

“Waa in aan idiin sheegaa sida aan ugu faraxsanahay in ugu dambayn aan horray u wada qaadnay tallaabadan taariikhiga ah,” ayuu intaas ku daray.

Aftida ayaa si nabad galyo ah u dhacday, balse rabshado ayaa la soo sheegay markay codayntu dhammaatay.

Gawaari iyo dukaamo ayaa dab lagu qabadsiiyay caasimadda Noumea, sida warbaahinta guduhu ay ku warrantay, dad mudaaharaadaya ayaana waddooyin xiray.
New Caledonia waxaa ku jira kayd badan oo macdan ah, nooca macdantaas ayaana muhiim u ah samaynta waxyaabaha elektaroonigga ah, Faransiiskana waxaa looga arkaa mid muhiim u ah siyaasadda iyo dhaqaalaha gobolka.

Waxay ka mid tahay 17 deegaan ee Qaramada Midoobay ay u aqoonsan tahay in aysan ismaamulin – hannaankii ka xoroobidda gumaysigana aan la dhamaystirin.

175,000 oo ruux ayaa xaq u lahaa in ay codkooda ka dhiibtaan aftidii Axaddii ka dhacday New Caledonia oo ku taalla bariga Australia, halkaas oo qawmiyadda Kanaks ee asalka u daganyd ay bulshada ka yihiin 39.1%.

Ka sii mid ahaan shaha Faransiiska ayaa ku waynayd dadka asal ahaan ka soo jeeda Yurub ee halkaas ku nool, waxayna bulshada ka yihiin 27.1%, Dadka darsa arrimaha gobolkaasna waxay sheegaan in qaar ka mid ah qowmiyadda Kanaks ay laftirkoodu taageersan yihiin ka sii mid ahaanshaha Faransiiska.

Saddex meelood meesha dhiman bulshada New Caledonia oo lagu qiyaasay 268,000 ayaa la sheegay in intooda badan ay ka soo horjeedaan in ay madax bannaani qaataan.

Jasiiraddan durugsan ayaa sannad walbe Faransiiska ka hesha 1.5 bilyan oo doolar.

Markii madaxweyne Macron uu booqday Nouméa bishii May wuxuu sheegay “in Quruxda Faransiisku ay kala qaarmayso haddii New Caledonia ay dalka ka go’do”.

Faransiiska ayaa jasiiraddan sheegtay markii u horraysay 1853.

1980-yadiina Faransiiska iyo qawmiyadda Kanaks waxaa dhex maray dagaal xun.
Markii uu dagaalkaasi meeshii ugu xumaa gaaray waxay ahayd markii dad ka tirsan qawmiyadda Kanak ee madaxbannaanida raba ay dileen afar askari oo ciidammada Faransiiska ka tirsan 23 kalana ay afduub ula galeen bohol. Dagaal rogaal celis ah oo ciidammada Faransiisku qaadeenna waxaa ku dhintay 19 ruux oo qawmiyadda Kanaks ka tirsan iyo labo askari.

1988 ayay ergo ka kala socota qaybta madaxbannaanida rabta iyo kuwo ka sii mid ahaanshaha Faransiiska raba ku heshiiyeen in colaadda la so oaf jaro lana qabto afti aayo ka tashi.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ammaanay natiijada

Diidmada madaxbannaanida ayaan dhaqdhaqaaqyada xornima doonka meesha ka saari doonin, labo afti ayaana la qaban karaa inta ka horraysa 2022.

Haddii haa loo codayn lahaa New Caledonia wuxuu noqon lahaa dalkii u dambeeyay ee madax bannaani ka qaata Faransiiska tan iyo 1977 oo Jabuuti ay ka xorowday iyo Vanuatu oo madax bannaani ka qaadatay 1980.