DAAWO SABABTII Guddiga Doorashada Koonfurgalbeed isku casileen, Federaalka oo dusha laga saaray runta

0
84

Guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa ku dhowaaqay inuu iska casilay xilkaa loo magacaabay iyadoo sidoo kalana ay wararku sheegayaan in xubno kale ay is casileen.
Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay iska casileen xubinimada guddiga doorashada Koofurgalbeed illaa 13 xubin oo guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisii ay ku jiraan.

Arrintan ayaa ah mid ku cusub siyaasada dalka gaar ahaan doorashooyinka maamul goboleedyada dalka, waxayna ku soo beegmeysaa iyadoo ay sii xoogeysanayaan warar sheegaya in uu ka tanaasulayo ka qeybgalka doorashada Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya.

Xubnahan is casilay ayaa ku macneeyay sababaha ay isku casileen arrrimo la xiriira farogelin lagu hayo doorashada Koofurgalbeed.

Madaxweynaha Koofurgalbeed Shariif Xasan Shekh Aadan oo ah siyaasi caan ah ayaa wararka ay sheegayaan inuu gadaal ka riiixayo talaabadan ay qaadeen guddiga doorashada Koofurgalbeed.