Xildhibaan C/risaaq Cumar oo u jawaabay Hay”adda NISA u jawaabay, Muxuu ka yiri Qandaraasyada lagu haysto?

0
138

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii xalay kasoo baxay hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA, ee lagu sheegay in la hakiyey qandaraasyo uu bixiyey.

NISA ayaa sheegtay qandaraasyada la hakiyey loo gudbiyey hanti-dhowrka guud ee qaranka, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso, kuwaas oo kadib qaadi doona tallaabo ka dhan ah.

Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu xildhibaan Cabdirisaaq ku cadeeyay in munaasab aanu eheyn in dib loo soo faago arrintan, maadaama uu laba sano ka hor xilka iska wareejiyay.

“NISA oo mas’uul xil horay u hayay si daahfurana xilkaas ugu wareejiyay Masuulkii xilka kala wareegay in aay dacaayad raqiis ah baraha bulshada soo dhigaan 2 sano ka dib iyado loga gol leeyahay in la isku cabsi geliyo. Waxaa nasiib darro ah in NISA iskubedeshay NSStii kaligitaliska” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Xildhibaan C/risaaq Cumar oo katirsan Guddiga amniga ee Golaha Shacabka, ayaa ka mid ah xildhibaanada aadka u dhaliila dowladda Somaliya.