Xildhibaan Jawaari oo markii u horeysay ka soo muuqday fadhiga Baarlamaanka, kaddib is casilaadiisa

0
55

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta ka soo muuqday fadhiga Baarlamaanka, isagoo ah Xildhibaan, lix bilood kaddib markii uu iska casilay xilkii Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa soo dhoweeyay Guddoomiye Jawaari oo si lama filaan ah loogu arkay hoolka shirarka Xarunta Golaha Shacabka.

Xildhibaan Jawaari ayaa fariistay kuraasta Xildhibaanada, isagoo ugu horeyn iska xaadiriyay buugga diiwaanka Xildhibaanada.

Jawaari ayaa muddo 7 sano iyo bilo ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo labo jeer isku xigta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Hase ahaatee mowjado siyaasadeed ay horboodeyso Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu riday, kaddib markii uu is casilay 9-kii bishii April ee sanadkan 2018, xilligaasoo uu Baarlamaanka hareeyay qalalaase ka dhashay mooshin laga keenay.