Somaliland oo u jawaabtay C/weli Gaas “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”

0
2

Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, kaasoo uu shalay ka hor jeediyay baarlamaanka Puntland, kuna goodiyay in Puntland dib u soo ceshan doonto Gobolka Sool.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/llaahi Guri-Barwaaqo ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray C/weli Gaas uu yahay mid sharciga ka baxsan oo xadgudub ah inuu ku hanjabo inuu duullaan ku qaadayo gobollo ka mid ah dhulka Somaliland.

“Waxaan u sheegeynaa C/weli Gaas in Laascaanood aanay noqoneyn Waqooyiga Gaalkacyo, Buuhoodlena noqoneyn Qardho, sidaas darteed waxaa u habboon inuu dadkiisa ka daayo Beenta iyo beel laxowsiga uu kursigiisa ku xejisanayo”ayuu yiri Wasiir Guri Barwaaqo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Somaliland diyaar u tahay in wada hadal lagu dhameeyo arrinta xiisada taagan, iyadoo la raacayo qodobadii horay ugu heshiiyaan dowladda Soomaaliya iyo Somaliland shirkii ka dhacay London sanadkii 2012.

Xiisada dagaal ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland ayaa ah kuwo weli taagan, iyadoo hadalada labada dhinac ka soo yeeraya ay sii hurinayaan colaada ka taagan Gobolka Sool oo ay isku hayaan labada maamul.