C/weli Gaas “Muuse Biixi waxaa leeyahay haddii Ingiriis dhul ku siinayo Laascaanood ma ahan London”

0
2

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay kalfadhiga Baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay colaada Gobolka Sool, isagoo sheegay in Puntland lagu soo qaaday dagaal salka ku haayo been, argagixiso iyo isir naceyb.

C/weli Gaas ayaa sheegay in Gobolka Sool aanu aheyn meel ka wada dhaxeysa Somaliland iyo Puntland ama Gobol aan la garaneyn cida iska leh oo qolo walba markeeda sheeganeyso.

“Gobolka Sool ma ahan meel ka wada dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, ma ahan gobol aan la garaneyn cida iska leh oo qolo walba markeeda sheeganeyso, Gobolka Sool ma ahan weel lagu dawarsado, Gobolka Sool ma ahana shandad diyaarad lala raaco ictiraaf lagu raadsado oo lagu baryo tago waa dhul iyo dad reer Puntland ah, waa laga xoreyn doonaa cadawga dul hoganaya”ayuu yiri C/weli Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay taageeraan qorshaha soo celinta Gobolka Sool, isla markaana ay u hiiliyaan dadka reer Sool sida uu yiri.

“Muuse Biixi wuxuu ku doodayaa Ingiriis ayaa gobolka Sool na siiyay, waxaa u sheegayaa Ingiriiska dhulkan ma lahan, wuxuu ahaa gumeysi maalmo joogay oo aan iska xoreynay, haddii Ingiriis dhul ku siinayo Laascaanood ma ahan London, Xuduna ma ahan Birmingham, Taleexna ma ahan Cardiff”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay aqoonsan tahay xuduudii dowladdii Soomaaliya u kala sameysay Gobolada Sool iyo Togdheer.

Khudbadda Madaxweynaha Gaas ayaa ah mid sii hurineysa colaada Gobolka Sool, gaar ahaan xiisada dagaal ee weli ka taagan deegaanka Tukaraq ee ay isku horfadhiyaan Ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland.