Ra’iisul wasaaraha New Zealand oo dhashay

0
1

Ra’iisulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa ku curatay gabadh.

Arrntaas ayaana ka dhigaysa hogaamiyihii labaad ee la doortay ee umusha iyadoo xil haysa, marka laga hadlayo taariikhda casriga ah.

Jacinda ayaa la geeyay isbitaal ku yaalla Auckland saacadihii hore ee Khamiista, afar maalmood ka dib wakhtigii ay dhakhaatiirtu saadaaliyeen in ay dhalayso.

Gabadhan oo 37 jir ah ayaa qaadan doonta lix toddobaad oo fasaxa dhalmada ah, waxayna kusiisime ka dhigtay ku xigeenkeeda Winston Peters.

Sikastaba ha ahaatee waxay sheegtay in ay sii wadi doonto la socoshada xogta golaha wasiirrada inta ay fasaxa ku maqan tahay.

Jacinda ayaa warkan ku shaacisay baraha bulshada, waxay sheegtay in ay dareentay in ay nasiib badan tahay waxayna u mahadcelisay shaqaalaha isbitaalka Auckland.