Itoobiya oo u mahadcelisay madaxweynaha Eritrea

0
3

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki uga mahadceliyay dib u heshiisiinta uu soo gudbiyay, isaga oo duubay fariin khaas ah.

Abiy Axmed ayaa si toos ah fariinta ugu diray dhigiisa isga oo muuqaal kooban u diray.

Muuqaalkaas ayuu duubay isaga oo booqanaya dad ku barakacay rabshado qawmiyadeed oo ka dhacay koonfurta dalka Itoobiya.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Isaias uu sheegay in uu ergo u diri doono Itoobiya si ay ugala soo xaajoodaan soo afjaridda colaadda taagnayd 16kii sano ee la soo dhaafay ee xadka ku saabsanayd.

Abiy ayaa xitaa luuqaddii badalay oo afka Tigreega ku hadlay si uu u xaqiijiyo in Isaias uu sifiican u fahmay.

Wuxuuna yiri “waxaan doonayaa in aan erayo kooban ku dhaho luuqaddiisa,”

“Walaalkeen madaxweyne Isaias Afewerki, waxaan doonayaa in aan kaaga mahadceliyo aragtida cusub eed soo jeedisay maanta.

“Ergada aad noosoo dirto sidii marti uma soo dhawayn doono ee sidii Itoobiyaan ayaan u soo dhawaynaynaa, waxaana doonayaa in aan ku ogaysiiyo in aan xafiiskayga ku qaabili doono, lana hadli doono.

“Nabad korkooda ha ahaato dadka Eritrea iyo dadka Itoobiya.

“Waxaan rumaysanahay in aysan jirin wakhti maanta looga baahibadan yahay nabad waxaana kuu xaqiijinayaa in aan wada shaqayn doono si aan hadafkaas u xaqiijino.

“War wanaagsan ayay arrintan u tahay Eritrea iyo Itoobiya.”

Xisbiga wadaagga ah ee haya talada dalka Itoobiya ee EPRDF ayaa bishan horraanteedii ku dhawaaqay in uu si buuxda ugu hoggaansami doono heshiiskii xadka ee 2002 kaas oo dhulka lagu muransan yahay siiyay Eritrea.