SHAQSIYAADKA Farmaajo iyo Kheyre ka socda ee qaska ka wada Gobolka Banaadir, Wakiilka Villa Soomaaliya ee Gobolka Banaadir oo la soo magacabay

0
2

Faragelinta Madaxtooyada iyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ku haayan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa noqotay mid xad dhaaf ah kadib markii labada xafiis saameyn ku yeeshan magacabista xilalka muhiimka ah ee Gobolka Banaadir.
Markii ugu horeysay Taariikhda ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Wakiil u soo magacawday Gobolka Banaadir kaas oo lagu magacabo Farxaan, wuxuuna saameyn ku yeeshay howlihii Gobolka gaar ahaan amarada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Yariisow waxaa uu ka war helay Guddoomiyeyaasha laamaha xaafadaha muqdisho oo qaarna la bedelayo qaarna la xirayo.

Markii isku deeyay inuu wax ka ogaadana waxaa lagu yiri Yariisow amarkan waxaa uu ka yimid Madaxtooyada.
Ololaha lagu fashilayo Maamulka hadda jira si dhaliil iyo mushkilad loo dhex istaajiyo kadibna Yariisow la bedelo waxaa uu ka socdaa Villa Soomaaliya.
Degmooyinka durba weerarka lagu qaaday ee saraakiishooda la soo xir xiray qaarna xilka laga qaaday waxaa ka mid ah Shibis, Kaaran iyo Huriwaa.