allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Wasaaradda Ganacsiga Oo Mamnuucday Keenista Qalabka Carruurta Ee Maalmaha Ciida(Wareegto)

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa lagu mamnuucay in Ganacsatada ay soo dejiyaan Qalabka ay Carruurta ku Ciyaaraan Maalmaha Ciida,kuwaas oo badan kood ah kuwo kas ameysan Bustoolado,Qoryo iyo Bambooyin intaba

Wareegtada ayaa looga digay Ganacsatada in ay soo dejiyaan Qalabkaas,oo Wasaaradu sheegtay in ay yihiin kuwo dhibaato amni u keenaya dalka,isla markaana Carruuta oo horay ugu dhashay Wadan amnidarro ka jirto sii dhiiragelinaya.

Sidoo kale Ganacsatada ayaa loogu baaqay in Maalmaha Ciida kale ee soo socota in ay dalka keenaan Qalab kan ka duwan kaas oo Carruurta baraya waxyaabaha wanagsan .

Marka laga soo tago hadalka ka soo baxay Wasaaradda Ganaciga Soomaaliya ayaa waxaa xusid mudan in haatan Muqdisho iyo gobolada dalka laga isticmaalayo Qalabkaas.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 13 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented