allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka oo isaga baxay Sanguuni

Wararka ka imaanaya deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in ciidamadii dowladda, kuwa Jubbaland iyo askartii mareykanka ay isaga baxeen deegaankaas, kaddib weeraro saacadihii la soo dhaafay ay wajahayeen.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in ciidamada oo wata gaadiidkooda dagaalka ay dhanka wadada laamiga ee Kismaayo aada ay u baxeen.

Ciidamada ayaa waxaa wehlinayay gawaarida gaashaaman, sidoo kale waxaa la arkayay diyaarado Helicoptero ah oo kor ka ilaalinayay.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii maalin ka hor weerar ka dhacay deegaankaas lagu askari Mareykan ah, halka afar kale lagu dhaawacay.

Sidoo kale maalintii shalay ayaa waxaa agagaarka saldhigga ay degenaayeen Ciidamada ka dhacay weerar is qarxin ahaa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Kenyan ah ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday deegaanada waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo, halkaasoo ay aad ugu xooggan yihiin Al-Shabaab.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 10 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented