allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Ciidamada ammaanka oo kordhiyay xirnaanshaha waddooyinka Muqdisho iyo isu socodka magaalada oo adkaaday

Hey’addaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay xirnaanshaha waddooyinka Muqdisho, iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu adkaaday isu socodka xaafadaha Muqdisho
Ciidamada ayaa waddooyinka qaar ku gooyay dhagxaan, waxaana dib u soo laabtay dhagaxyaantii iyo carradii lagu xirayay waddooyinka.

Wadada Wadnaha ayaa ka mid ah meelaha ay aadka u adag tahay in gaadiid lagu gudbo, waxaana gaadiidka uu ku geynayaa meel aan u dhoweyn isgoyska oo ay dadka ka sii lugeynayaan.

Sidoo kale gaadiidka ayaa loo ogoleyn inay ka soo gudbaan Isgoysyada qaar, sida Isgoyska Banaadir, dhanka wadada Taleex, tarabuunka iyo isgoysyada ku teedsan wadada Wadnaha.

Meelaha aan gaadiidka soo geli karin waa waddooyinka jidcayaasha ama kuwa laamiga ee soo aada dhanka wadada Maka al-Mukarama, iyadoo gaadiidka uu ka bixi karo, balse aanu soo geli karin.

Xirnaanshaha waddooyinka iyo ciriiriga magaalada gashay ayaa dad badan walaac ka muujiyeen, iyadoo lagu guda jiro u diyaar garowga Ciida, waxaana dadka ay isu diyaarinayaan inay suuqyada ka soo gataan dharka ciida.

Tan iyo markii uu bilowday bisha Ramadaan, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad u sii xumaanayay, iyadoo dad badan lagu dilay oo isugu jiray dad shacab iyo askar, waxaana howlaha sugida amniga Caasimadda uu hadda ku soo koobmay kaliya jid xirid iyo dhagxaan lagu gooyo waddooyinka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 9 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented