allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Daawo Sawirada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo cisho ku jooga dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankan ayaa ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti, halkaasoo wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha uu ku qaabilay Madaxweyne Geelle.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal xoojinta xiriirka labada dal, taageerada hiil iyo hooba oo ay la garab taagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in wada hadalada uu la yeeshay Madaxweyne Geelle ay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan oo ku dheehnaa walaalnimo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la gaaray waqtigii ay wax wada qabsan lahaayeen, sida horumarinta iyo maalgashiga, maadaama ay Soomaaliya dib u soo hagaageyso.

Waxyaabaha muhiimka ee laga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga, isu socodka iyo dib u dhiska.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiiru dowlaha Difaaca.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 7 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented