allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Ku dhowaad 50 tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku le’day xeebaha dalka Yemen

Illaa 46 ruux tahriibayaal Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay xeebaha dalka Yemen, kaddib markii doon ay saarnaayeen ay la degtay.

Tahriibayaashan ayaa ka baxay Dekeda Boosaaso, iyagoo qorshahooda ahaa inay gaaraan dalka ay colaadaha ka socdaan ee Yemen.

Illaa 16 ruux ayaa laga badbaadiyay doonta la gadoontay tahriibayaasha, sida ay sheegtay Hey’adda Socdaalka Adduunka.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray rag, dumar iyo carruur, waxaana 37 ka mid ah ay ahaayeen carruur.

Tahriibayaal iyo qaxooti ka yimid Geeska Afrika ayaa Yemen u socdaalayay sanadihii la soo dhaafay, waxaana Yemen ay albaab laga galo oo sahlan u tahay wadamada kale ee Khaliijka iyo Yurub, hase ahaatee waxaa ka jira dagaalo iyo xaalad bani’aadanimo oo aad u liidata.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 7 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented