allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Hanjabaadii Kheyre oo aan dhaqan galin, Xamar oo aan caga wanaagsan ku taagneyn iyo Maamulka Yariisow oo aad u jilacsan

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa bishii May 24, 2018 ku dhawaaqay in xil ka qaadis iyo eryin lagu sameyn doono Guddoomiyihii ay Degmadiisu ka dhacaan falal amni darro.

Ra’isul wasaare Kheyre xiligaa waxa uu goodintiisu intaa kusii daray in Guddoomiyayaasha Degmooyinka ay kula xisaabtami doonaan falalka sida Qaraxyada iyo Dilalka, waxa uuna Guddoomiyaha degmadiisa laga helo falalkaasi ku sifeeyay mid aan mudneyn inuu sii hayo xilka.

Xiliga goodinta Ra’isul wasaare Kheyre oo ay kasoo wareegatay muddo badan, ayaa waxaa xili waliba Degmooyinka Gobolka Banaadir ka dhaca Qaraxyo kala ceyn ah iyo dilal bareera oo loo geysto dadka indhaha u ah dalka.

Dilalka iyo Qaraxyada ugu badan ee dhacay tan iyo goodinta Ra’isul wasaare Kheyre ayaa u muuqday kuwo ay maleeshiyada al-Shabaab ku xumeyneysay Dowlada Somalia, hase ahaatee ma hirgalin hanjabaada uu Kheyre u jeediyay Guddoomiyayaasha
Qaraxyada iyo dilalka ugu badan ayaa ka dhacay Degmooyinka Howlwadaag, Dharkiinley, Wada jir, Boondheere, Waabari, Yaaqshiid iyo Kaaran oo gabi ahaantooda bisha Ramadaan marti galiyay falalka amni darro ee ugu badan.

Xukuumada Somalia ayaa inta badan dhaqan galin digniinada ay ka horjeediso shacabka, waxa ayna taasi horseed u noqoneysaa inaan waxba laga soo qaadin caga jugleynta Dowlada.

Sidoo kale, Gobolka Banaadir ayaan ku taagneyn caga wanaagsan maadaama ay kusii kordhayaan dilalka iyo Qaraxyada ay ka caagan yihiin Gobolada kale ee ka jira dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Gobolka Banaadir ayaan qudhiisa u muuqan mid u jilcan hagaajinta Gobolka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 7 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented