allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Farmaajo iyo Kheyre intii ka raadinayeen taageero badan baraha bulshada, waxay gabeen amnigii dalka.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa cabsi xoogan ka muujinaya Dilalka qorsheysan ee xad dhaafka ah bishan ramadaan 2018 ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana waddooyinka lagu arkayaa shacab indhaha taagtaagaya oo baqdin xoogan ay ku jirto, waxa gebi ahaanba ay joojiyeen dhalinyarada magaalada Muqdisho tegidda goobaha lagu sheekeysto waxaana yaraaday isku socodka dadka waqtiga habeenkii ah.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa bishan Ramadaan 2018 ku fashilantay sugida amniga, iyadoo la dilay ku dhawaad 112 ruux, walow ay ka badnaan karaan. Xukuumadda RW Kheyre aya kaliya ku mashquulsan in ay sawiro iska qaaddo si baraha bulshada uga helaan comments badan.

Sanadkii ugu horeeyay ee 2017 Dowlada Madaxweyne Farmaajo waxay isbarbar dhig ku sameysay qaraxyadii ka dhacay dalka sanadkii 2016 iyo kuwii dhacay bishii barakeysneyd ee 2017.

Sida la ogyahay bishii Ramadaan ee sanadkii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho ka dhacay 3 qarax oo geystay khasaaro badan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo intooda badan ahaayeen dad shacab ah oo weliba soomanaa.

“Waxaa is bar bar dhig ku sameyneynaa June 27, 2017 iyo sanadkii hore 2016 qaraxyada iyo dilalka dhacay iyo kuwa bishii barakeysneyd ee hada dhamaatay dhacay, 3 qarax ayaa dhacay intii lagu guda jiray Bisha Ramadaan, kuwaasoo shacabka lala bartilmaameedsaday, 12 qof ayaa dilal qorsheysan lagu dilay, halka 28 qof ay qaraxyada ku dhinteen, marka la isku daro waa 40 dhimasho iyo dhaawaca 62 ruux”ayuu sheegay taliyihii NISA Sanbaloolshe ee 2017 xilka laga qaaday markii uu ku fashilmay sugidda amniga Muqdhso .

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa dowlada Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inay ka gaabisay la xisaabtanka laamaha amaanka, iyadoo dilalka ay sii kordhayaan hadana aysan jirin talaabo ay qaadeyso dowlada wallow mararka qaar howlgalo ay sameeyeen ciidanka

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 6 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented