allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Shirka Amniga Qaranka oo maanta furmaya iyo kulamo xalay dhex maray Madaxda

Shirka Amniga Qaranka ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in ka furmo magaalada Baydhabo, iyadoo lagu wado in Madaxweyne Farmaajo uu shirka si rasmi ah u furo.

Madaxda Qaranka, Madaxda maamul goboleedyada, iyo wafuuda kale ee wehliya ayaa xalay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay magaalada Baydhabo, waxaana kulanka hore uu ahaa afur soo dhoweyn loo sameeyay madaxda.

Wararka ayaa sheegaya in kulamada horudhaca iyo midka afurka soo dhoweynta uu ahaa mid la isku weydaarsanayay xaalada dalka iyo fikrado kala duwan.

Guddiyada Farsamo ee shirka ayaa diyaarinaya qodobada iyo ajandayaasha shirka horyaala oo ay Madaxda uga hadlayaan, waxaana qodobada laga hadlayo ka mid ah ammaanka, siyaasadda, hanaanka doorashada 2020, wadaaga kheyraadka iyo xoojinta federaaleynta iyo arrimo kale.

Shirkii Madaxda dowlad goboleedyada bishii hore ku yeesheen magaalada Baydhabo, waxayna ku caddeeyeen in aan waxba laga dhaqan gelin qodobadii ka soo baxay shirkii February ee ka dhacay Muqdisho, iyagoo dowladda Federaalka eedeyn u jeediyay.

Shirka maanta furmaya ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay jirto xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, waxaana shirka maanta bilaabanaya uu ka duwan yahay shirarkii hore u soo yeesheen Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 4 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented