allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Madaxweyne Farmaajo oo furay shirka Golaha Amniga

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galaan Madaxda ugu sareysa dalka, Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu dambeyn shirka furay maanta duhurkii, waxaana saaka socday kulamo ay yeelanayeen Guddiyada farsamo ee shirka iyo Madaxda.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah amniga dalka, hanaanka doorashooyinka 2020, federaaleynta, isku dhafka iyo tayeynta dastuurka iyo qodobo kale.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee ay isugu yimaadaan Golaha Amniga Qaranka oo ay xubno ka yihiin Madaxda dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Arrinta sida gaarka isha loogu haayo ayaa ah madaxda ka qeyb galeysa shirka oo xilligan xurguf siyaasadeed u dhaxeyso, gaar ahaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo dhowaan eedeymo u jeediyay dowladda Federaalka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 4 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented