allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

SOMALILAND oo diiday Diyaarad sitay Dhalinyaradii Waqooyiga ka soo jeeday ee laga soo daayay xabsiyada Liibiya ee Daraad laga soo dejiyay Muqdisho

Maamulka la baxay Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa maalintii shalay u diiday Diyaarad sitay Tahriibiyaal daraad laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya oo Muqdisho la keenay kuwaas oo shalay loo kireeyay Diyaayara geysa Hargeysa si ay ula midooban qoysaskooda muddo kala maqnaayan.
Diyaaradda ayaa markii ay ka baxday Magaalada Muqdisho oo gashay hawada Somaliland ayaa lagu amray inay dib u laabto waxayna qasab ku noqotay in Diyaaradaas ka degto Magaalada Garoowe halkaas oo dhalinyaradii saarnayd diyaaradda lagu soo dhaweeyay.

Qaramada Midoobay ayaa ku fashilantay arrintan inay wax ka qabato maadama dadkan ay ahaayan dad muddo ku soo dhibaataysanaa xabsiyada ma gafa Liibiya isla markaana la eego dhanka bani’aadanimada.

Sidoo kale Somaliland ma sheegin sababta diyaaradda u celisay taas oo waday dad degaankooda ka soo jeeda.

Dowladda Soomaaliyana kama hadlin arrintan iyo sida wax u dhaceen.

Dhalinyaradii shalay ka degay Garoowe ayaa si wanaagsan loola dhaqmay isla markaana loo sameeyay soo dhaweyn waxaana la dareensiiyay in Garoowe ay tahay magaalo Soomaaliyed aysana jirin cid ka xigta.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 3 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented