allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Baydhabo, Daawo Sawirada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi la socda ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasoo ay uga qeyb galayaan shirka Golaha Amniga Qaranka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaa loo galbiyay madaxtooyada Baydhabo.

Sidoo kale waxaa la filayaa in goor dhow ay gaaraan magaalada Baydhabo Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada.

Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa looga hadlayaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga, hanaanka doorashooyinka.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu jiro xurguf siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada qaar oo dhowaan shir ay ku yeesheen Baydhabo ku eedeeyay dowladda Federaalka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 3 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented