Maxkamadeynta raggii ka dambeeyay weerarkii Hotel Naasahablood 2 oo la soo gaba gabeeyay

0
1

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa soo gabagabeysay kiiska loo heysto raggii ka dambeeyay weerarkii 28-kii bishii October ee sanadkii hore lagu qaaday Hotelka Naasahablood.

Dhageysiga Maxkamadeynta raggan ayaa muddo soo socotay, waxaana Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada qalabka sida ay ku soo eedeeyeen saddex eedeysane inay ka dambeeyeen weerarka.

Saddexda eedeysane ee kiiskooda la soo gaba gabeeyay ayaa lagu kala magacaabaa Farxaan Maxamed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buulle.

Xafsiika xeer ilaalinta ayaa u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay dhageysiga dacwadda in raggan la soo qabtay xilli ay ku guda jireen fulinta weerarkaasi.

Su’aallo la weydiiyay eedeysanayaasha ayay ku qirteen in ay ka dhammaatay rasaasta ay u isticmaalayeen xasuuqa , waxa ayna dalbadeen in la cafiyo.

Qareenada difaacayay ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon kooxda Al-shabaab hasa ahaate ay jeclaan lahaayeen in loo naxariisto kol hadii ay qirsan yihiin in ay geysteen weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

Intii ay socotay Maxkamadeynta ayaa sidoo kale waxaa la dhageystay markaatiyaal ay kamid yihiin saraakiisha ciidamada amniga ee soo qabtay eedeysanayaasha iyo shacab kale.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegtay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dhageysiga eedda in ay go’aanka Maxkamadda dib ka soo saari doonaan.

29-kii October sanadkii hore weerarkii lagu qaaday Naasa Hablood Labo waxaa ku dhintay 17 qof oo isugu jiro Siyaasiin xilal soo qabtay iyo kuwa kale, xildhibaan hore, Saraakiil ciidan, Haween iyo Caruur, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay 40-qof.