allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

LACAGTII ugu badnayd Gobolka Banaadir ka baxda qasnadiisa oo ku dhamaata Xafiiska Kheyre iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Lacagtii Dekedda faraha la galay,arrinta Badda oo Norway ku riixaysa Kheyre inuu ka laabto dacwada Maxkamadda Cadaaladda adduunka taala

Ma jirto Mashaariic si dhab ah ugu faa’ideysanayan bulshada Gobolka Banaadir oo horseed ka yahay Maamulka Gobolka Banaadir, taa bedelkeeda Maamulka Gobolka waxaa uu noqday ama lala barbar dhigi karaa nidaamkii hoggaamiye kooxeedyada ama maxkamadihii islaamiga ee maalinta cad lacagaha ku kala qeybsanayay waddooyinka dhexdooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng C/raxmaan Yariisow iyo kuxigeenkiisa dhanka Maaliyadda oo ay qaraabo yihiin Wasiirka koowaad ee Soomaaliya iyo gabar adeer u yahay Kheyre oo Maaliyadda joogta ayaa dhaqaalihii Gobolka u weeciyay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha waana halka keliya ee ay ka amar qaatan xubnaha Maamulka.

Mid ka mid ah shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo Newsomali la hadlay ayaa sheegay in halka ugu badan ee Kheyre ama xafiiskiisa dhaqaalaha maalin jooga ah iyo kuwa lagu furfuro siyaasadda uu ka helo ay tahay qasnada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yariisow ayaa aaminsan in cidda keliya xafiiska ku hayn karta uu yahay Kheyre taasina ku qasbaysa in wax walba uu fuliyo daacadna u ahaada Kheyre halkii bulshada Gobolka ugu adeegi lahaa si daacad ah.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa maalmahan ku howlanaa inuu is bedel ku sameeyo saraakiisha Dekedda gaar ahaan nin gaaljaceyl ah oo Samow la yiraahdo kaas oo Fahad Yaasiin saaxiibo yihiin, waxaana bedelkiisa loo magacabi doona nin ka soo jeeda Beesha H/gidir si uu Ra’iisal wasaaraha taageero siyaasadeed uga helo beeshaas.

Ra’iisal Wasaaraha oo markii hore 5% ka heli jiray lacag gaar ah shirkadda Turkida ee Maamusha Dekedda ayaa sidoo kale qeybta daqliga Dekedda waxaa uu ka helaa lacago gaar ah oo qaab musuq maasuq ah ku baxda.

Geeska kale Dowladda Norway ayaa ku riixaysa Kheyre iyo Xukuumaddiisa inay ka laabtan dacwada Soomaaliya iyo kenya ee la xiriirta muranka badda ee taala maxkamada cadaaladda adduunka ee Magaalada Den haag ee dalka Nederland.

Norway kaalin weyn ayay ku leedahay shirkadaha Kenya qandaraaska ku siisay Baarista shidaalka meesha lagu muransan yahay.

Kheyre oo haysta dhalashada Norway oo markii horena arrimaha shidaalka dalaal ka ahaa ayaa la ii sheegay inuu aqbalay qorshaha Norway isla markaana haatan wada hadalo la furay kenya iyadoo wada hadaladaas qarsoodi yihiin.

Dhinaca kale Xafiiska Duqa Muqdisho waxaa Agaasime ka ah gabar lagu magacaabo Nimco Axmed oo qurbaha ka timid, taasi oo awoodii maamulka xafiiska gabi ahaanba la wareegtay, kadib markii awood buuxda duqa Muqdisho uu siiyay.
Nimco Axmed oo ah Agaasimaha Xafiiska Duqa Muqdisho, ayaa isku qabata shaqooyinka kala ah Xoghaynta gaarka ah ee Duqa Muqdisho iyo awoodaha kale ee ku xayndaaban xafiiska Gudoomiyaha.

Dhawaan ayeey aheyd markii Duqa Muqdisho uu si kulul u weeraray Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya ee hawlaha kala duwan u taga Xarunta Dowladda hoose, waxaana Yariisow uu sheegay inuu ka shaqeyn la’yahay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Inkastoo ay jirto hadal hayn kala duwan oo ka taagan Xarunta Gobolka Banaadir oo ku saleysan awooda maamulka Xafiiska Duqa Muqdisho iyo nidaam darada ka jirta, ayaanan haddana la ogeyn duqa Muqdisho siduu wax kaga qaban doono.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on May 20 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented