allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo Gaadiidka oo la mamnuucay xilliyada habeenkii

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay soo rogeen awaamiir kala duwan.

Saraakiisha amniga ayaa mamnuucay in magaalada aanay xilliyada habeenkii wax gaadiid soo geli karin, isla markaana gaadiidka ka imaanaya gobolada ay habeenkii ku hoydaan duleedka magaalada.

Amarkan ayaa socon doona inta lagu guda jiro bisha Ramadaan oo ciidamada ammaanka Baydhabo ay laba jibaareen howlaha lagu sugayo ammaanka Baydhabo.

Gaadiidka ka yimaada Muqdisho ee isugu jira kuwa xamuulka iyo rakaabka ayaa marka la gaaro salaada maqrib kaddib lagu celinayaa koontaroolka laga soo galo Baydhabo.

Rakaabka saaran gaadiidka ayaa marka ay soo gaaraan duleedka magaalada u soo lugeeya, iyagoo baaritaan adag la soo marsiiyo.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii magaalada Baydhabo uu ka dhacay shirka Madaxda dowlad goboleedyada oo socday muddo saddex cisho ah, iyadoo ammaanka magaalada si aad loo adkeeyay.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on May 20 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented