KHEYRE oo shaqada ka eiyay Xoghayntiisa hase yeeshe Yaxye Cali Ibraahim sabab qabiil isaga dhaafay

0
9

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maareyn waayay mushkilad ka taagnayd xafiiskiisa kadib fadeexad xafiiska ka taagnayd oo ku lug lahaa Yaxye Cali Ibraahimoo horey looga soo eriyay Wasaaradda arrimaha Gudaha oo hadda awood badan ku leh Xafiiska Kheyre ku lug yeeshay lacago la lunsaday iyo xilal loo magacabay dad isaga watay.

Xoghayaha joogtada Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Maxamed Keynaan oo xilkii laga qaaday laguna bedelay nin Ahmed Madoobe o shaqeynayay oo lagu magacabo Ahmed, hase yeeshe waxaa shaqaalaha xafiiska ka yaaban sababta Kheyre isna shaqada ugu erin waayay Yaxye Cali Ibraahim.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa taliyahiisa arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta u magacaabay agaasimihii guud ee Wasaarada arrimaha gudaha ee dhowaan xilka laga qaadey Yaxye Cali Ibraahim.

Khilaafka Yaxye iyo Keynaan ayaa gaaray meel xun sidaas darteed Keynaan oo ka soo jeeday degaanka Puntland shaqada waa laga eriyay waxaana lgau bedelay ahmed Nur.