allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Kenya Oo Bilowday Inay Ciiddankeeda Kala Baxdo Somalia

Ciiddanka Kenya ayaa bilaabay inay si tartiib ah uga baxaan Somalia, kadib, markii ay Golaha Ammaanka ee QM u codeeyeen.

Sannadkii la soo dhaafay, Kenya waxay la baxsday 200 oo ka tirsan Askartooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, waxaana la filayaa in 200 oo kale laga daad-gureeyo Somalia bisha December ee sannadkan.
Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxay gebbi ahaan ka wada huleeli doonaan Somalia bisha December ee sannadka 2020-ka, kadib, marka ay Ciiddanka Ammaanka Somalia kala wareegaan AMISOM guud ahaan Ammaanka Somalia.

Sida uu dhigayo Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM tirsigiisu ahaa 2372, soon a baxay sannadkii hore ee 2017-ka, waxa uu dhigayaa in Ciiddanka Kenya ka wada bixi doonaan Somalia bisha December ee sannadka 2020-ka suida uu jadwalku yahay.

Haddii u udhaqan galo Qorshahaasi waxay Ciiddanka Kenya 16 goobood ee ay ka hawlgalaan ku wareejin doonaan Ciiddanka Dowladda Somalia iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Deegaanadda ay Ciiddanka Kenya ka hawl-galaan ayaa kala ah Garoonka cusub ee Diyaaradaha ee magaalladda Kismaayo, Dekeddii hore ee Kismaayo, Dhoobley, Afmadow, Taabta, Fafax-dhuun, Hosingow, Kulbiyow, Bu’aale, Badhaadhe, Bilis Qooqaani iyo Buur-gaabo.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on May 19 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented