allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Tukaraq iyo ciidan gurmad ah oo ku qulqulaya

Dagaalkii ka socdey aaga Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhexeeyey Puntland iyo Somaliland ayaa istaagey xiligii makhribka ee xalay, Soomaaliya, waxaana uu socdey muddo 10 saac ah.

Dagaalka ayaa u qaybsanaa dhawr qaybood waxaana bilowgiisu ka dhacay hawdka u dhexeeya Boocame iyo Tukaraq, dagaalkaas oo ka dhacay laba aag ayaa waxaa uu qaboobay duhurkii kadib markii roob xooggan halkaas ka da’ay. Dagaalka labaad ayaa ka dhacay ka dhacay waddada laamiga ah.

Dagaalka ayaa makhribkii istaagey iyada oo ciidanka Puntland ay ku hakadeen buundada Tukaraq dhanka xigta Garoowe, halka ciidanka Somaland ay magaalada Tukaraq ka xigeen dhanka Laascaanood.

Magaaalada Tukaraq ayaa cidlo ah waxaana ka qaxay dadkii deganaa halkaas. Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal gelinkii danbe ee shalay ayaa dagaalku badnaa mid la isku garaacayo madaafiicda culus sida qoriga PM-ka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on May 16 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented