allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Axmed Madoobe “Dowladdu waxay aad mashquul ugu tahay doorashada 2020 iyo cidii imaan laheyd”

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay xilligan mashquul ku tahay arrimo aan aheyn howshii laga sugayay inay wax ka qabato.

Khudbad uu ka jeediyay shirkii Madaxda dowlad goboleedyada uga furmay Baydhabo ayaa sheegay in illaa iyo hadda aanay dowladda u diyaar garoobin qorshihii amniga dalka loogala wareegi lahaa AMISOM, isla markaana la diyaariyo ciidan Soomaaliyeed.

“Waxaa aad loogu mashquulsan yahay doorashada 2020, cida imaaneyso, qaabkii doorashada u dhici laheyd iyo wadadii loo mari lahaa, doorashada 2020 wax badan ayaa ka horeeya oo la rabo in la qabto”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka looga baahan yahay in waxyaabaha horyaala ee u dhaxeeya in la qabto 2016 iyo 2020 inay xaqiijiso wax ka qabashadeeda iyo hirgelinteeda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sidoo kale hada laga fikirayo sidii Aqalka Sare madaxdooda loo ridi lahaa, maamul goboleedyada qaarna hoggaanadooda meesha looga saari lahaa, taasna aanay aheyn mid wax dhiseysa.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in dowladda ku mashquulsan yahay baraha bulshada iyo Facebook, wax ka sheegida madaxda qaar sida uu yiri.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on May 15 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented