Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo gaaray Baydhabo

0
2

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Axmed Madoobe oo diyaarad qaas ka soo qaaday magaalada Kismaayo ayaa noqday Madaxweynihii u horeeyay oo ka socda dowlad goboleedyada oo ka dega Baydhabo, iyadoo ay socoto qaban qaabada shir berri u furmaya.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Axmed Madoobe ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada kale sida Galmudug iyo Hirshabeelle ay goor dhow ku wajahan yihiin Baydhabo, iyagoo diyaarad ka raacay Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa isna ku sii jeeda oo noqon doona ninka ugu dambeeya ee gaari doona Baydhabo.

Shirka Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa maalinta berri ka furmaya Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, kaasoo noqon doona shirkii labaad ay yeeshaan, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada.

Shirkan ayaa ku soo beegmay, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu u dhoofay dalka Qatar, sidoo kale dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa xilligan ka dhex taagan khilaaf asalkiisa ka bilowday xiisadda Khaliijka iyo sida dowladda Federaalka u takoortay Imaaraadka Carabta oo xiriir dhow la leh dowlad goboleedyada.