Munaasabad lagu caleema saarayo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta ka dhaceysa Muqdisho

0
3

Munaasabad lagu caleema saarayo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho.

Caleema saarka loo sameynayo Guddoomiyaha cusub Baarlamaanka ayaa ka dhaceysa xarunta Dugsiga tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Wakiilo ka socda Beesha Caalamka ayaa lagu casuumay caleema saarka Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka.

Madaxda ugu sareysa dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka oo qaban qaabadeeda laga dareemayay tan iyo shalay.

Munaasabadda caleema saarka ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Guddoomiye Mursal uu maalmo ka hor shir guddoomiyay kulankiisa u horeeyay, lana kulmay Guddiyada Joogtada Golaha shacabka.

30-kii bishii April ayay aheyd markii Guddoomiye Maxamed Mursal loo doortay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaddib markii uu is casilay Guddoomiyihii hore Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.