allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Madaxweynaha Jabuuti oo booqasho rasmi ku jooga Kenya, lana kulmay Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta saddex cisho uga bilaabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu martiqaad rasmi ah uu ka helay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.


Madaxweyne Geelle ayaa soo dhoweyn hab maamuuskeeda uu aad u sareeyay loogu sameeyay Aqalka Madaxtooyada, waxaana loo riday illaa 21 Madfac.

Labada Madaxweyne ayaa yeeshay kulan labo geesood ah oo ay ku wehliyeen Wasiirada labada dhinac, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, is dhaafsiga khibradaha, iyadoo ay kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen sidii labada dowladood ay baasaboorada Service iyo midka Diblomaasiga ay Visa la’aan ugu geli lahaayeen labada dal.

Booqashada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku soo aaday maalin kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed Cali uu booqasho rasmi ku tagay Kenya, taasoo aheyd booqashadiisa labaad ee dibadda ah.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on May 10 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented