allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Boliska Kenya Oo Ka Digay Weeraro Ay Al-Shabaab Iyo Daacish Ka Geystaan Dalkaasi

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Alshabaab, Daacish iyo Alqaacida qorsheynayaan weeraro ay Kenya ka geystaan inta lagu guda-jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan ee foodda nagu soo hayso, waa sida hadalka loo dhigay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dagaalamayaasha Alshabaab. Daacish iyo Alqaacida horey u soo saareen FATWO, kuna baaqeen inay weeraro ka geysan doonaan qeybo ka mid ah dalka Kenya.

Dhinaca kale, Afhayeenka Boliska Kenya, CHARLES OWINO waxa u ugu baaqeay Muwaadiniintooda inay feejignaadaan, gaar ahaan kuwa ku nool Deegaanadda aadka loo deggan yahay, iyadoo ay horey feejignaan ku jireen dadka ku nool Goballadda W/bari, Xeebta iyo magaallooyinka waa weyn ee dalkaasi.

CHARLES OWINO waxa kale OO UU Sheegay inay si dhow indhaha ugu hayn doonaan Dhaqdhaqaaqyadda ka socda Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia iyo Isu-day kasta oo si toos ah weeraro looga soo qaadi karo, waa sida hadalka loo dhigay.

Digniinta Boliska Kenya ka soo baxday waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Dagaalamayaasha Alshabaab 8 Askar Kenyan ah Axadii la soo dhaafay ku dileen qarax ka dhow meel ku dhow Degmadda Dhoobley ee Gobalka J/Hoose.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on May 9 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented