allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

C/raxmaan C/shakuur oo Maamulka Farmaajo ku tilmaamay Caruur hadda dhalatayay oo indha la’aan ah

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo xalay taageerayaashiisa kula hadlayay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo Xaflad soo dhoweyn loogu sameeyay ayaa ka hadlay xaalada dalka iyo halka uu marayo.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in nidaamka ay hadda ku socdaan Madaxda xilligan ay ka duwan tahay nidaamkii dowladihii hore wax ku soo wadeen, isagoo xusay in waxa keenaya ay tahay waayo aragnimo la’aan iyo inay yihiin dad siyaasadda ku cusub.

“Dad dhalinyaro oo cusub waayo, waa nimad seef la boodnimo siyaasadeed raba inay dalka ku maamulaan, nidaamka ay rabaan ee ku socdaan waa ka duwan tahay nidaamka dowladihii hore ku socdeen, waxa keenaya waa waayo aragnimo la’aan waaye”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa uu sheegay in Madaxda hadda talada heysa ay dalka qalalaase iyo dagaal geliyeen, sida dagaalkii siyaasadeed ee xukunka looga tuuro Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, midkii Madaxweynaha Galmudug oo markii dambe uu xusay in lagu soo baxay oo la difaacay, tii Madaxweynaha Koofur Galbeed oo isna la difaacay iyo middii lagu riday Guddoomiye Jawaari.

Waxaa uu sheegay in hadda ay qeylinayaan Madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ah kuwo ay is xigeen Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la kala saaro dowladda iyo dadka hoggaaminaya oo muddo xileed ay leeyihiin sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa loo baahan yahay inay noo kala saaran tahay dowladda iyo dadka hoggaaminaya, dowladda iyo Hey’adaheeda, Villa Soomaaliya iyo Farmaajo labo ayay noo kala yihiin, Xukuumadda iyo Xasan Cali Kheyre labo ayay noo kala yihiin, Baarlamaanka iyo Xukuumadda labo ayay kala yihiin, waana in lala xisaabtamo”ayuu yiri.

C/raxmaan C/shakuur oo sii hadlayay ayaa yiri “Nimanka dhalinyarada ee seef la boodka aan iska qabano, oo aan ku qabano wadada sharciga iyo dastuurka iyo dowladnimada inay maraan, anaga Xisbi hubeysan oo qori wata ma nihin, dad kuma duulno, nidaamka dimoqraadiga, ee dastuurka noo saamaxaya rabnaa inaan ku hadalno, oo aan dadka ku wacyi gelino, waxaa saldhig noo ah saddex qodob oo ah Dastuur Dimoqraadi, Nidaam Federaal iyo awood qeybsi”ayuu yiri Mr C/raxmaan C/shakuur.

Munaasabaddii xalay ka dhacday magaalada London ayaa aheyd tii u horeysay ee C/raxmaan C/shakuur uu fagaare kula hadlo dadweyne, tan iyo markii dowladda ay xabsiga u taxaabtay sanadkii hore, kaddib weerarkii gurigiisa, waxaana horay laga joojiyay munaasabad uu kula hadli lahaa taageerayaashiisa oo ka dhici lahaa Muqdisho iyo Nairobi

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on May 8 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented