allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Isbahaysi mucaarad ku ah Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho loogaga dhowaaqay

Isbaheysi mucaarad ku ah Maamulka Axmed Madoobe ayaa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, Isbaheysigan ayaa la magac baxay Dib u soo nooleynta Dimoqraadiyadda Jubbaland, waxaa horboodaya C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo horay u soo noqday Wasiirkii Warfaafinta Xukuumaddii hore.
Kulan loogaga dhowaaqayay isbahaysigan ayaa waxaa ka dhex muuqday siyaasiyiin ka soo jeeda Jubbaland kuwaasoo ku eedeeyay madaxweynaha Jubbaland inuusan ka shaqeyneyn horumarka dowlad goboleedkaas.

Ku dhowaaqista isbahaysigan ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii warbaahinta uu ka soo muuqday Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe oo uu dhinac taagan yahay Cabdikariin Qalbidhagax oo ay hore dowlada federalka u gacan gelisay dowlada Ethiopia.

Dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasada ayaa aaminsan in isbahaysigan uu yahay mid ay gadaal ka riiixeyso dowlada Federalka oo xiriirka kala dhexeeya maamulka Jubbaland aysan isku wanaagsanayn.

Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa madaxda maamul goboleedyada oo booqday wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta waxaana jira shaki ah in Axmed Madoobe uu heshiis la galay dowlada Imaaraadka.

Sidoo kale dowlada Federalka ayaan jecleysan booqashada uu Madaxweynaha Jubba uu ku tegey dalka Ethiopia iyadoo aysan weli madaxda dalka kulmin ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on May 6 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented