Axmed Madoobe oo xabsiga ku booqday C/kariin Qalbi Dhagax (Sawirro)

0
4

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maalmahan ku sugnaa magaalada Addis Ababa ayaa la sheegay inuu xabsiga ku booqday C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa Sarkaal ka tirsan jabahadda ONLF, kaasoo bishii August ee sanadkii hore ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in dowladda Itoobiya uu kala hadlay sidii uu dib xoriyaddiisa ugu heli lahaa C/kariin Qalbi Dhagax, isla markaana loo sii deyn lahaa

Sawirro la soo geliyay barta Facebook ee Madaxweynaha Jubbaland ayaa laga muujinayay Axmed Madoobe iyo C/kariin Qalbi Dhagax oo kuraasta fadhiyada ku fadhiya, marna taagan, isla markaana wada dhoolacadeynayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in C/kariin Qalbi Dhagax lagu haayo xabsi guri ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Jabahadda ONLF ayaa dhowaan sheegtay in dowladda Itoobiya ay shuruud ku xirtay in la sii daayo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Dowladda Soomaaliya ayaa 10 bilood ka hor u gacan gelisay dowladda Itoobiya Sarkaalkan ka tirsanaa ONLF oo laga soo qabtay Gaalkacyo, kaddibna la keenay Muqdisho, loona dhoofiyay Itoobiya, iyadoo shir Golaha Wasiirada yeesheen bishii September ay ku taageereen go’aankaas, kuna tilmaameen Qalbi Dhagax iyo ururkiisa inay ahaayeen argagixiso, hase ahaatee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabadii loogu gacan geliyay Qalbi Dhagax dowladda Itoobiya

Arrintan ayaa ka mid aheyd dhacdooyinkii saameynta lahaa ee ay taageerada ku weysay dowladda Soomaaliya, iyadoo lagu cambaareeyay tallaabadii ay ugu gacan geliyeen dowladda Itoobiya.