allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Maxamed Mursal oo loo doortay afhayeenka Baarlamaanka

Waxaa Goordhow soo gaba gaboobay tirinta codadka doorashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya xilkaas oo uu iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Doorashadaan ayaa waxaa ku tartamayay Maanta 10 musharax,waxana Wareegii 1aad ku haray 6 musharax,waxana soo haray 4 Musharax balse intii aan la guda gelin Wareegii labaad ayaa waxaa tanaasulay labada musharax ee Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Shariif Maxamed Cabdalla.
Wareega labaad ayaa waxaa ku tartamay labada musharax ee kala ah Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yaroow,waxana labada musharax ay kala heleen Ibraahim Isaaq Yaroow 118 cod iyo Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan oo helay 147 Cod

Ku simaha Guddoomiyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabduweli Ibraahim Muudeey ayaa ku dhawaaqay natiijada isaga oo sheegay in uu ku guuleystay xilka guddoomiyaha Golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo horay isaga casilay xilka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 30 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented