4 Musharax Oo U Gudubtay Wareega 2aad Ee Doorashada

0
1

Waxaa goordhow soo gaba gabowday Wareega 1ad ee tirinta Codadka musharxiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,waxana maanta codeeyay 266 Xildhibaan.
10 musharax ayaa ku tartamaya doorashada balse waxaa Wareega 1aad ku haray ilaa 6 musharax iyada oo ay isku soo hareen ilaa 4 musharax oo kala ah

Maxamed Mursal Sh,Cabdiraxmaan oo helay 83 cod

Ibraahim Isaaq Yarow oo helay 69 cod
Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafta Gareen oo helay 54 cod

Iyo Shariif Maxamed Cabdalla oo helay 19 cod

4 musharax ayaa ku tartami doona Wareega labaad ee doorashada oo ka sii xiiso badan Wareegii 1aad.

Xildhibaannada ayaa hadda aaday Qado iyo Salaad,iyada oo dib la isugu soo laaban doono.